Garowe(pp) Doorashada xafiiska madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa ayaa waxaa ka harsan 18-maalmood oo kaliya,waxana jira hadal hayn tiro badan oo ku aadan dhex-dhaxaadinta murashaxiinta iyo madaxda xukumadda.
Magalada Garowe caasumadda dowadda ayaa waxaa maalmihii ugu danbeeyay kusoo qul-qulayay Isimadda soo jireenka ah ee saldhiga u ah nabadaynta Puntland,waxayna isimaddu ku mashquulsan yihiin ilaa iyo hadda kulamo kala duwan oo ay la yeelanayaan madaxda dowladda iyo murashaxiinta,warar ay heshay Puntlandpost ayaa sheegaya kulamadda ay samaynayaan isimadda inuu mararka qaarkood saacado badan qaato.
Wararkii ugu danbeeyay ee nasoo gaaraya ayaa sheegaya inay u badan tahay murashaxiinta qaarkood oo horay uga biyo diidan guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta inay ka tanaasulaan oo ay ku kalsoonaadaan guddigaasi,si loo wajayo doorashada iyo howlaha wali harsan ee u baahan in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhameeyo.
Isimadda oo ka kala yimi inta badan Gobalka Puntland ayaa mar sii horaysay sheegay inay xal waaro ku dhamayn doonan khilaafka murashaxiinta u dhaxeeya,sida ay u xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay Puntlandpost murashaxiinta ayaa garowsaday inay muhiim tahay in si wada jir ah looga wada shaqeeyo maslaxada iyo danta guud ee Puntland.
Sidoo kale waxaa dhex-dhaxaadinta dhankiisa ka wada Nuuradiin Aadan Diiriye oo ka socda xafiiska Nichalos Kay,wuxuna Nuuradiin kulamo kala duwan la qaatay murashaxiinta iyo madaxda xukumadda,mana jirto ilaa iyo hadda go’aamo soo baxay.
Marka laga tago,waan waanta ay isimadda wadaan waxaa magalada Garowe si wayn looga dareemayaa hadal haynta doorashadda iyo halka uu ku danbayn doono khilaafka laga yaabo inuu hareeyo doorashadda.
Hay’adda la socodka xasaradda caalamka ee ICG ayaa dhankeeda war bixin ay soo saartay ku sheegtay in laga yaabo doorashadda Puntland inay ka dhacdo shaqaaqooyin la xariira beelaha Puntland dhistay,ayna sababi karti kala qayb sanaan shacabka soo kala dhexgasha,haddii beesha caalamku aysan waxba ka qaban.
Ammaanka magalada Garowe ayaa si wayn loo adkeeyay,waxana socda dadaalo lagu sugayo isku socodka gaadiidka iyo dadka magalada ku cusub maadaama ay doorashada Puntland soo dhow dahay.
Gudoomiyaha murashaxiinta mucaaradka ah ee Puntland Gen.Cabdilaahi Siciid Samater ayaa sheegay inay ku rajo wayn yihiin doorashadda Puntland inay ku dhacdo si xor iyo xalaal ah laguna wada qanacsan yahay,balse waxa uu sheegay Mudane Samater inaysan ka yeeli doonin Cabdi-Raxmaan Farole kaligiis inuu guddiga ku dhagnaado.
Si kastaba xaaladu ha ahaatee waxaa lagu wadaa saacadaha soo socda in lasoo afjaro khilaafka wali murashaxiinta u dhaxeeya.
Wixii kusoo kordha kala soco Puntlandpost.com
Cali Cabdi Ducaale
Garowe Puntland