Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Dowlada Puntland, Isimada, Shacabka Puntland iyo Musharaxiinta oo ka siman in Puntland ay ka dhacayso Doorasho Xor ah (Warbixin)

$
0
0

Shacabka Puntland ee ku kala nool magaalooyinka kala duwan ee Puntland ayaa rajo wanaagsan ka muujinaya in ay Puntland ay ka dhacayso doorasho xor ah oo si nabadgelyo ah  ku dhacda. Shacabka ayaa aaminsan in ammaanka Puntland oo waqtigan aad u wanaagsan darteed ay dhiirigelin wanaagsan siinayo doorasho wanaagsan oo dhacda Puntland.waa sidda ay qabaane..

 

Isimada Puntland ee aan qarim mabda'ooda Qaranimo

Isimada Puntland oo  aan qarim mabda’ooda Qaranimo

Isimada ayaa iyaga dhankooda muujiyey Kaalinta kaga  aadan ammaanka iyo horrumarka Puntland, waxaana talaabada Isimada iyo kulanadii wanaagsanaa ee ay ku qaateen Caasimada Puntland,aad u  soo dhaweeyey shacabka Puntland, kuwaas oo ku tilmaamay kulamada  Isimada in ay tahay mid loo baahnaa , Rajana wanaagsana gelisay   shacabka Puntland.

Shacabka Puntland ayaa dhaqan u leh ka danbaynta Isimada , waana dhaqan soo jireen ah oo ka jira Puntland,  soona shaqeeyey qarniyo badan.

Madaxda DowladaDowlada Puntland oo ugu horeeyo madaxweyne C/raxmaan Faroole, Saraakiisha Amaanka oo ugu horeeyo Sareeyo Guuto Saciid (Dheere), guddoomiyeyaasha/Duqayda  degmooyinka Puntland iyo laamaha amaanka Puntland ayaa dhammaantood shaaca ka qaaday in ammaanka Puntland ay gacanta ku hayaan , shacabka-na looga baahan yahay in ay taageeraan laamaha ammaanka Puntland , si looga dhabeeyo in Doorasho degenaansho kujirto  ay ka dhacdo Caasimada Puntland.

Musharaxiinta-Puntland-Guddi-08Dec13-3-740x400Ragga u tartamaya Doorashada Puntland oo ku jiraan rag aad u bisil ayaa dhankooda sheegay in rajo wanaagsan ay ka qabaan doorashada Puntland ee dhacaysa Janaayo 2014-ka.

Siyaasiyiin miisaan leh ayaa u tartamaya kursiga Madaxweynaha , waana doorashadii ugu xiisaha badnayd ee Puntland soo marta marka laga reebo aasaaskii Puntland oo ahayd markii Puntland dhidibada loo taagay 1998-ii , isla markaana Maqdaxweyne loo doortay Allaha u naxariistii Marxuum Col. C/laahi Yuusuf Axmed , halka M/kuxigeen loo doortay Mudane Maxamed Cabdi Xaashi.

Inkasta oo shaqsiyaad aan indheer garad u badnayn ay qabaan in shacabka reer Puntland ay  guul-daraysanayaan ayna dhici karto shaqaaqo beelaha u dhaxeeya  , Beesha caalamkana dad maangaab ah ay  ka dhaadhiciyeen in la isku dhac dhici karro, haddana rajada ay qabaan shacabka, siyaasiyiinta xilka u tartamaysa iyo hogaanka Puntland ,  waxay ka siman yihiin in Puntland Janaayo 8-deeda ay ka dhacayso doorasho xor ah oo aan qadaf lahayn.

shacabka PuntlandMaadaama saadaasha & rajada shacabka Puntland, Isimada , Musharaxiinta iyo Dowlada-ba  ay tahay mid aad u saraysa , waxaan illaahay uga baryeynaa in rajadaas ay noqoto mid hirgasho , doorashada la wada rajaynayana illaahay uu u rumeeyo.

Daabacaadda: Puntlandpost.com

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>