Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Garowe:Haweenka G/Nugaal oo taageeray murashax Maxamed C.Nuur(Sawirro)

$
0
0

Garowe(pp) Kulan ballaaran oo haweenka Gobalka Nugaal ay ku taageerayaan murashax Maxamed Cabdinuur Xirsi Dhagawayne ayaa maanta galinkii danbe lagu qabtay magalada Garowe.

Haweenka Gobalka NugaakWaxaa kasoo qayb galay kulanka haween,dhalinyaro iyo marti sharaf kale,waxana lagu soo bandhigay khudbado kala duwan oo dhamaantood ay ku muujinayeen haweenka taageeradda ay u hayaaan murashax Maxmaed Cabdinuur.

1Ardo Siciid Gacamey oo gudoomiyaha haweenka ee taageerada murashax Maxamed Cabdinuur ee Gobalka Nugaal ayaa sheegay inay muhiim tahay sidii haweenka Puntland ay u taageeri lahaayeen Maxamed Cabdinuur oo ay ku sheegtay inuu yahay shaqsi hoggaamin wanaagsan oo dadkiisa si cadaalad ah wax ugu qaban kara.

Ardo ayaa sidoo kale sheegtay haddii uu eebe ku guuleeyo Maxamed Cabdinuur Xilka madaxwayne-nimo inay kula xisaabtami doonan balan-qaadyadii uu dadkiisa u sameeyay.

6Waxaa xafladda laga soo jeediyay buraabur ka hadlaya xaaladda Puntland iyo taageeradda loo hayo murashaxa,haweenka ayaa dareenkooda kusoo gudbiyay hab suugaaneed,waxayna sheegeen Puntland inay u baahan tahay hoggaamiyo caadil ah oo is-badal la yimaada.

10Xaliimo Cali Warsame Biyood oo ka mid ah haweenka sida wayn looga yaqaan deegaanadda Puntland ayaa dhankeeda sheegtay inay ku qanacsan yihiin howsha iyo dadaalka uu wado Maxamed Cabdinuur,waxayna sheegtay inuu yahay shaqsi lagu aamini karo dalka iyo dad-kaba sidaasi darteed xildhibaanadda imaan doono aqalka wakiiladda ayay ugu baaqday inay codkooda ku taageeraan Maxamed Cabdinuur Xirsi.

7Haweenka dhalinyaradda ah oo kulankaasi ka hadlay ayaa sidoo kale alle uga baryay inuu Maxamed Cabdinuur xilka uu u tartamayo ku guuleeyo.

Maxamed Cabdinuur oo dhowaan socdaal ku tagay Gobaladda Karkaar iyo Bari ayaa waxa uu kala kulmay soo dhawayn aad u ballaaran,wuxuna xili uu shacabka Puntland la hadlayay uu balan qaaday inuu la dagaalami doono,musuqmaasuqa,eexda iyo ku dhaqanka qabiiika,wuxuna sheegay inuu la imaan doono waxqabad muuqda dhamaan dadka ku nool Puntlandna ay la wada qanci doonaan.

5Waxa uu hadda ku talo jiraa Maxamed Cabdinuur inuu socdaal ku tago Gobalka Mudug,halkaasna uu kusoo bandhigo waxyaabaha uu shacabkiisa u qaban doono haddii uu madaxwayne noqdo.

Ugu danbayntii Maxamed Cabdinuur ayaa ka mid ah raggii 2009-kii isku soo taagay xilka madaxtinimadda,balse ku guuldaraystay inuu ku guulaysto,wuxuna balan qaaday haddii uu sanadka cusub xikaasi waayo uu dadkiisa sidiisii hore ugu sii shaqayn doono.

Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>