Bosaaso(pp) Saddex dhalinyaro ah ayaa meentay ku dhintay xeebta magalada Bosaaso,kuwaasoo ka mid ahaa dhalinyaradii u dabaal tagay,labo kale oo dhalinyaro ah ayaa la sheegayaa in la waayay.
Maydadka dhalinyaradaasi ayaa la dhigay isbitaalka magalada Bosaaso,waxana wararka isbitaalka naga soo gaaraya ay sheegayaan inay isi soo buux dhaafsheen dadwayne maqlay dhimasho dhalinyradda xeebta ku dabaalanaysay,waxana sidoo kale goobta yimi ehelka dhalinyaradda maantay xeebta ay cuntay.
Mid mid ah dhalinyaradda ayaa la sheegayaa inuu bare ka ahaa Jaamacadda Bariga Africa waxana lagu magacaabi jiray allaha u naxariistee Maxamad Cabdiqani.
Dhalinyaradda Magalada Bosaaso ayaa Jimce kasta u dabaashaad taga xeebta magalada,balse maanta ayaa la sheegayaa inay xeebta kacsanayd,sidaasi darteedna dhalinyaradaasi ay u cuntay.
Waa markii ugu horaysay oo dhalinyaro ay cunto xeebta magalada Bosaaso,warkaan ayaa waxa uu noqday kan ay shacabka magalada Bosaaso caawa ugu hadal haynta badan.
Wixii kusoo kordha kala soco Puntlandpost.co