Garowe(pp) Wararkii ugu danbeeyay ee aanu ka helayno arrimaha doorashadda iyo xalinta khilaafka u dhaxeeya dowladda iyo murashaxiinta ayaa sheegaya inay guul ku dhow dahay in lasoo afjaro waxyaabaha la isku hayo oo ay ugu xoogan tahay guddiga xalinta khilaafaadka ee uu magacaabay Cabdi-Raxmaan Farole madaxwaynaha Puntland.
Galabta waxaa shir ku yeeshay aqalka Murashax Cali Cabdi Awaare guddiga xalinta khilaafaadka ee uu magacaabay Cabdi-Raxmaan Faroole, murashaxiinta Puntland iyo shan xildhibaan oo ka mid ah dadka dhex-dhaxaadinta wax kawada, inkastoo shirkaasi uu dhacay haddana wararka Puntlandpost soo gaaraya ayaa sheegaya in aan wax natiijo ah ka soo bixin.
Guddiga xalinta khilaafaadka oo ay markii hore codsadeen murashaxiinta inay qayb ku lahaadaan soo magacaabistooda, ayaa ku talo jira inay qanciyeen murashaxiinta, balse waxaa la sheegayaa inaysan natiijo wanaagsan uusan kasoo bixin.
Murashax Cali Cabdi Awaare oo ka mid ah murashaxiinta saluugsan guddiga xalinta khilaafaadka ayaa Puntlandpost u sheegay kulankaasi inuu dhacay,ayna kasoo qayb galleen dhamaan murashaxiinta mucaaradka ah iyo xildhibaano wax ka wada olalaha dhexdhaxaadinta,wuxuna xusay inay sidoo kale sugayaan UN-ka.
Waxa uu sheegay Nuuradiin Aadan Diiriye oo ka socda xafiiska Ergayga gaarka ah ee QM Somalia uu kulamo gaar gaar ah iyo kuwo kale oo guud ay wada qaateen labada dhinac,balse wali uu socdo wada hadalka arrintaasi ku aadan.
Waxa uu sheegay in laga yaabo xitaa mar kale inay kulan wada qaataan madaxwaynaha Puntland si howsha loosoo afjaro.
Wararka magalada la isla dhexmaraya ayaa sheaya inay tanaasuleen murashaxiinta,balse Cali Cabdi Awaare ayaa sheegay inaysan jirin wax tanaasule,balse wada hadal uu socdo.
Isimadda Puntland oo shirarkoodii wali Garowe ka socda ayaa dhankooda kulamo kala duwan wali la qaadanaya murashaxiinta iyo madaxda dowlada,waxana lagu wadaa maalmaha soo socda in lasoo afjaro arrinta ay labada dhinac isku hayaan.
Magalada Garowe xarunta dowladda Puntland ayaa waxaa si wayn looga dareemayaa hadal haynta doorashadda iyo khilaafka taagan,dadka falanqeeya arrimaha Puntland ayaa sheegaya inay muhiim tahay in danta guud iyo maslaxadda la eego sidaasi darteedna tanaasul iyo kalsooni la muujiyo.
Doorashadda xafiiska madaxtooyadda waxaa ka harsan 16-bari oo qura,ilaa iyo haddana ma muuqata wax natiijo ah oo laga gaaray dhex-dhaxaadinta la wado.
Wixii kusoo kordha wararka doorashadda kala soco Puntlandpost.com
Tafaftiraha guud ee Puntlandpost.com