Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Garowe:Wasiirka howlaha guud iyo gaadiidka Puntland oo madaxwayne ku xigeenka isku soo sharaxay(Sawirro)

$
0
0

Garowe(pp) Wasiirka wasaaradda howlaha guud iyo gaadiidka dowladda Puntland Mudane Daahir Xaaji Khaliif Faarax oo maanta kulan ballaaran ku qabtay hoolka shirarka Hotelka New rays ayaa halkaa kaga dhawaaqay inuu yahay murashax u taagan xilka madaxwayne ku xigeenka Puntland.

10Munaasibadda oo arintaasi kaga dhawaaqay waxaa kasoo qayb galay inta badan wasiiradda xukumadda hadda talada haysa,haween,dhalinyaro,aqoon yahamo iyo Odayaal dhaqan,waxana laga soo jeediyay khudbaddo kala duwan oo dhamaantood xanbaarsan dhiiri galin iyo waanooyin loo jeedinayo murashaxa cusub ee Daahir Khaliif.

11Ugu horayntii kulanka waxaa ka hadlay wasiirka warfaafinta Puntland Abwaan Axmed Shiikh Jaamac,wuxuna sheegay Daahir Khaliif Faarax inuu yahay shaqsi dhalasho ahaan kasoo jeede qoys wanaagsan oo dadka soo dhaweeya,sidaasi dartiidna uu xilka uu isku soo taagay uu u qalmo,wuxuna sheegay inay muhiim tahay Daahir Khaliif inuu wax qabad ballaaran uu dadkiisa u muujiyo.

15Murashax madaxwaye ku xigeen Daahir Khaliif Faarax oo munaasibadda khudbad dhinacyo badan taabanaysa kasoo jeediyay ayaa marka hore dadka u iftiimiyay ilaa iyo meelihii ugu horeeyay ee uu kasoo shaqo bilaabay,waxa uu sheegay inuu yahay shaqsi shaqooyin kala duwan kasoo qabtay dowladihii hore ee Maxmaed Siyaad Barre,kana mid ahaa xildhibaanadii soo maray dowladihii Cabdiqaasim Salaad Xasan iyo Cabdilaahi Yuusuf Axmed allaha u naxariistee.

22Wuxuu kaloo sheeegay inuu ka mid ahaa dadkii wax ka dhisay Puntland 1998-sidaasi darteedna uu dalka xog badan ka hayo iyo sidii umadda Soomaaliyeed wax loogu qaban lahaa,waxa uu sheegay haddii uu xilkaasi ku guulaysto inuu dib gacanta ugu dhigi doono awoodna u lee yahay gobaladda Puntland ka maqan.

25Daahir Khaliif oo ka mid ahaa wasiiradii soo shaqeeyay shantii sano ee dowladda dhamaadka ah Cabdi-Raxmaan Farole,wuxuna sheegay inuu hormar kala duwan uu dadkiisa gaarsiin-doono sababta uu xilka iskugus oo taagayna ay tahay sidii wax looga qaban lahaa xaalada murugsan ee Gobaladda Sool,Sanaag iyo Cayn.

7Ugu danbayntii Daahir ayaa murashaxiinta,shacabka ugu baaqay in si wada jir ah looga wada shaqeeyo ammaanka,cadowga Puntland kusoo duulayna dhaaho quman loo yeesho.

16Haween,Odayaal dhaqan iyo wasiiro munaasibadda ka hadlay ayaa rajo wanaagsan u muujiyay murashax Daahir Khaliif Faarax,waxayna sheegeen inuu yahay shaqsi u qalma jagadda madaxwayne ku xigeen.

21 20 19 18 17 14 13 12 9 8 7 2 3 4 5 1

Cali Cabdi Ducaale
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>