Garowe(pp) Murashax Cabdidaahir Yuusuf Maxamed Yeey oo ka mid ah ragga u taagan xilka madaxtinimadda dowladda Puntland 8-Janaayo ayaa sheegay maantey in ciidan ka socda madaxtooyadda ay weerar kusoo qaadeen,xili uu marayay agagaraaka Aqalka ay degan yihiin UNDP.
Murashax Yeey oo galabta shir jaraa’id ku qabtay gurigiisa ayaa sheegay inay weerar toos ah ay kusoo qaadeen ciidan uu ku tilmaamay inay ka socdaan madaxtooyadda,ayna dhaawac gaarsiiyeen wadihiisa gaariga iyo mid ka mid ah ilaaladiisa.
Halka uu weerarkaasi ka dhacay waxaa bartamaha magalada Garowe gaar ahaan meel u dhow xarunta UNDP oo ah xaafadda ay ku wada sugan yihiin inta badan murashaxiinta.
Mar uu weerarkaasi sababaynayay waxa uu sheegay inay tahay ,ka dib markii uu maalmihii lasoo dhaafay si toos ah uga hadlay arrimaha doorashadda iyo waxyaabaha la isku khilaafsan yahay.
Docda kale murashaxu waxa uu ka hadlay xaaladda ay Puntland ku sugan tahay,wuxuna walaac ka muujiyay dhanka ammaanka iyo tan siyaasada oo uu ku tilmaamay inay u baahan tahay is-badal deg deg ah.
Hadaba Shirkiisa jaraa’id hoos ka dhagayso Murashax Yeey
Mobil ahaan u dhagaysoMurashax Yeey