Muqdisho(pp) Kulan shacabka Soomaaliyeed loogu sheegayo inay diyaar yihiin warqadaha aqoonsiga iyo baasaboorka cusub ee dalka ayaa maantey lagu qabtay magalada Muqdisho xarunta dalka Somalia.
Waxaa kasoo qayb galay madaxwaynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud,qaar ka mid ah wasiiradda ku meelgaarka ah,mamulka Gobalka Banaadir,saraakiil caalamiya iyo dadwayne kale.
Ujeedka kulankan ayaa ahaa in la wargaliyo shacabka inay wada qaataan warqadaha aqoonsiga si looga guulaysto kooxaha cadowga ku ah jiritaanka hormarka iyo ammaanka gobaladda dalkeena.
Agaasimaha Guud ee Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyada General Gaafow ayaa sheegay muhiimad ballaaran inay lee dahay qaadasha baasaboorka cusub ee dalka oo ah buu yiri mid caalamka oo dhan laga wada aqoonsan yahay,wuxuna sheegay baasaboorka qaadashadiisa inay ka horaysa in marka hore la qaato warqadaha,dhalasha iyo cadaymaha muujinaya inaa tahay muwaadin Soomaaliyeed.
Madaxwaynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay inay muhiim tahay dadku inay qaataan warqadaha aqoonsiga,kuwaasoo buu yiri dhanka ammaanka iyo la socodka xaaladda dalka wax wayn ka tari doono,wuxuna ku dhiiri galiyay inay shacabk qayb ka qaataan dadaaladda ay dowladu wado.
“Hay’adaha ku howlan barnaamijkan waa inay shacabka Soomaaliyeed u fududeeyaan sidii ay ku heli lahaayeen waraaqaha aqoonsiga iyo dokumentiyada muhiimka u ah in shaqsiga uu helo baasaboor, islamarkaana adeegyadan la gaarsiiyaa dhammaan deegaanada gobolada iyo degmooyinka dalka. Dowladdu in muddo ah bey ku howlaneed sidii qalabkan casriyeysan loo heli lahaa oo aan ula tartami laheyn caalamka. Sidaas daraadeed shacabka waxaan ka codsaneynaa inay sameystaan dokumentiyadan muhiimka noo wada ah oo xaqiijinaya Soomalinamada.”
Puntlandpost.com
Xafiiska Muqdisho