Garowe(pp) Wararkii ugu danbeeyay ee aanu ka helayno dhanka murashaxiinta ayaa sheegaya iyadoo waqtigii doorashadda iyo u tartanka xildhibaanadda ay fooda soo daartay inay galabta soo saareen go’aan ay ku midaysan yihiin,maadama doorashadda xafiiska madaxtooyadda ay ka harsan tahay 16-bari oo qura,howsha harsana ay baaxadwayn tahay.
Murashaxiinta ugu miisaanka culus hadda ee doonaya inay galabta kulmaan oo ay go’aan soo saaraan ayaa waxay kala yihiin.
1:Dr.Cabdiwali Cali Gaas
2:Shire Xaajo Faarax
3:Cali Xaaji Warsame
4:Cali Cabdi Awaare
5:Maxamed Cabdinuur Xirsi.
Murashaxiintan ayaa garowsaday inuu iskugurayo waqtaga, howsha la isku hayaana ay tahay arrin fudud oo u baahan in lagu kalsonaadda qadarta alle iyo wixii dhici doono,waxana lagu wadaa inay kulan ku qaataan aqalka Murashax Cali Cabdi Awaare ama kan Maxamed Cabdinuur Xirsi.
Inkastoo aan warkaasi la huban,haddana wararka hoose ee Puntlandpost heshay ayaa sheegaya murashaxiinta inay ku kala aragti duwan yihiin guddiga xalinta khilaafaadka,waxana lagu wadaa galabta ama maalinta barito ah howsha la isku hayo inay dhinac u dhacdo.
Isimadda Puntland oo horay u sheegay inay dhex-dhaxaadin doonan murashaxiinta haddii ay arrintooda dhamaysan waayaan,ayaa la sheegayaa inaysan kulan toos ah la qaadan murashaxiinta,taasoo dadka siyaasadda falanqeeya ay siyaabo kala duwan uga hadlayaan.
Madaxwaynaha Dowladda Puntland ayaa wali ku dhagan inay sharci tahay guddiga xalinta khilaafaadka ee uu dhowaan soo magacaabay,guddigaasi ayaa wali ku guda jira howlaha loo igmaday,mana jirto ilaa iyo hadda war kasoo baxaya howsha ay gacanta ku hayaan.
Inkastoo doorashada ay ka harsan yihiin maalmo kooban,hadana rajadda laga qabaa in la dhameeyo khilaafka taagan ayaa ah mid aad u sareeya,waxaase jira ragg kale oo ka kala socda QM iyo baarlamaankii waqtigiisu dhamaaday oo geestooda dhex-dhaxaadinta ka wada.
Wixii kusoo kordha kala soco Puntlandpost.com