Garowe(pp) Waxaa saakadii hore magalada Garowe xarunta dowladda Puntland soo gaaray Gen.Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde Muuse) oo kasoo socdaalay magalada Qardho xarunta Gobalka Karkaar.
Madaxwaynihii hore ee Puntland Cadde Muuse ayaa la sheegayaa socdaalkiisa magalada Garowe inuu salka ku hayo sidii uu uga qayb qaadan lahaa arrimaha magalada ka socda oo ay ugu wayn tahay khilaafka u dhaxeeya murashaxiinta iyo sidii loo dhamayn lahaa.
Cadde oo mar sii horaysay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay madaxwaynaha xilka hayaa ee Puntland Cabdi-Raxaman Farole inuu isku dhajiyay magaacaabista guddiga xalinta khilaafaadka,balse ay muhiim tahay in laga qayb galayo murashaxiinta xil raadiska ah ee cabashadda soo jeediyay.
Docda kale wararka soo gaaraya Puntlandpost ayaa sheegaya saacadaha soo socda inuu magalada soo gali doono Burhaan Muuse Boqor oo ah ki simaha boqorka beelaa Daarood,waxana lagu wadaa Boqorku inuu ka qayb noqdo isimadda dhex-dhaxaadinta ku jira ilaa iyo hadda.
Dhinaca kalena Axmed Boqor Maxamuud Boqor Muuse oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magalada Garowe ayaa sheegay Saldanada Boqor-nimo in laga dhacay,isla markasna uu yahay dhaxal sugaya xilka Boqor Maxmauud Allaha u naxariistee.
Goor dhow naga fisha Shirka jaraa’id ee uu qabtay Axmed Boqor Maxamuud Boqor Muuse.
Puntlandpost.com
Garowe/Puntland