Bosaaso(pp) Mamulka magalada Bosaaso iyo Kan Gobalka ayaa maanta dhagax dhigay wado ka timaada garoonka diyaaradaha isla markasna aada dekadda magalada oo loo qorsheeyay in laga dhigo laami si isku socodka dadka iyo gaadiidku ay ugu faa’iidaan.
Munaasibadda wadadaan laamiga laga dhigayo lagu daah-furayay oo magalada lagu qabtay ayaa waxaa kasoo qayb galay masuuliyiinta mamulka Gobalka Bari,kan degmada Bosaaso iyo dadwayne kale oo aad ugu faraxsanaa in si wayn looga shaqeeyo hormarka iyo bilicda caasumadda ganacsiga Puntland.
Dheerarka wadadaan ayaa lagu sheegay inuu dhan yahay 1.250-M,waxana uu qayb ka yahay qorshaha hormarinta degmooyinka Puntlond ee la yiraahdo JPLG,dhaqalaha ku baxaya waxaa iska kaashaday dowladda Puntland,dowlada hoose ee Bosaaso iyo Hay’addo QM ka tirsan.
Duqa degmada Bosaso Xassan Cabdala Xassan ayaa sheegay in Wadadan ay muhiim u tahay Bilicda,amaanka iyo dhaqaalaha dalka.
‘’Wadadan waxay ka mid tahay Waddooyinka ugu muhiimsan magaalada,waa wadada magaalada iyo Garoonka Diyaaradaha isku xirta,wadadan waxay noqon doontaa Wadadii shanaad ee intii maamulka degmada aan joognay laga sameeyay’’Ayuu yiri Xassan Cabdala Xassan.
Xasan Cabdalle ayaa xusay inay ka go’an tahay sidii looga shaqayn lahaa hormarka magalada Bosaaso,madama ay tahay hooyadda ganacsiga Puntland,wuxuna xusay sanadka cusub inay sidoo kale bilaabi doonan wadooyin hor leh.
Gudoomiyaha Gobalka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa dhankiisa sheegay inay muhiim tahay hagaajinta wadooyinka halbowlaha u ah dadka iyo gaadiidka,wuxuna sheegay inay wax badan ka badali doonto wadadaan habsami u socodka ganacsiga Gobalka Puntland.
Waxay noqonaysaa wadadii shanaad oo laami laga dhigayo,horey ayaa loosoodhisay labo wado oo laami ah ,labo kalena waa la dhagax dhigay.
Puntlandpost.com
Xafiiska Bosaaso