Muqdisho(pp)Wakiilka Qaramadda Midoobay u qaabilsan arrimaha Somalia Nicholas Kay ayaa ka hadlay doorashadda Puntland,wuxuna soo jeediyay in labada dhinac ay tanaasulaad sameeyaan si hanaanka doorashadu ay usii socoto.
Waxa uu ku baaqay mar labaad in hanaanka loo marayo doorashoyinku noqdo mid cad, iyadoona la mudeeyay waxana uu raacshay in baahida loo qabo xulida Barlamanka cusub iyo weliba qabsoomida doorashada 08 Jan, 2014.
Mr. Kay ayaa yiri ‘’Iyadoo ay wakhtigii doorashooyinku soo dhowaadeen, dooda siyaasadena noqotay mid sii kululaatay, waxan ugu yeerayaa dhamaan musharaxiinta iyo inta daneysa Puntland gaar ahaan odayaasha dhaqanka inay si wadajir ah u shaqeeyan diyaarna u noqdaan mararka qaar inay isku tanaasulaan”.
Waxa uu ku booriyay musharaxiinta inay la shaqeeyaan taliyaha ciidanka difaaca Puntland Gen. Siciid Dheere oo ah masuulka guddiga amaanka ugusareeya.
Kay ayaa ugu musharaxiinta ugu baaqay inay ololahooda doorasho noqdo mid masuuliyad ku dheehantahay si looga gun gaaro doorashooyin si nabadgelyo ah u dhaca.
‘’Musharaxiintu waa inay xoriyad u leeyihiin socsocodka, qabsashada shirar iyo weliba in la sugo amaankooda, waana in si siman warbaahinta looga hadli karaa” ayuu ku daray.
Wakiilka gaarka ah ayaa hadalkiisa ku soo dhameeyay in Qaramada Midoobay ay si dhow ula socon doonto Doorashooyinka Puntland, islamarkaasina dadaal weliba gelin doonto sidii looga taageeri lahaa Puntland qabsoomida doorasho xor ah, cadaalad & nabadgelyo ku dhacda iyo weliba loo dhanyahay.