Garowe(pp) Waxaa caawa Masaajidka Xaaji Cali ee magalada Garowe lagu soo gabo-gabeeyay nadwo la magac baxday Ilaalinta danaha umadda Soomaaliyeed,iyadoona nadwadaan ay tahay mid la qabto shantii sano mar,laguna soo beego xiliga doorashada si dadka iyo madaxda tartamaysa loogu wacyi galinayo inay shareecadda islaamka iyo xeerarka dalka u yaala loo dhowro.
Gunanudka Nadwadaan ayaa waxaa kasoo qayb galay ilaa dhowr culimo oo ka kala yimi Gobaladda Puntland,kuwaasoo shantii habeen ee ay socotay kasoo jeediyay muxaaradooyin ka hadlaya cadaaladda ,midnimada iyo in alle loo noqdo oo cafis la waydiisto.
Hadaba caawa oo ah habeenkii xiritaanka ayaa lagu soo bandhigay qodobo dhawr ah oo kala ah:
Su’aalo.dardaaranwarbixin nadwada.baaqa .ducada iyo mahad celin.
Su’aalaha la waydiiyay culimada ayaa waxaa ka jawaabay culimo ay kamidyihiin:
SHIIKH MAXAMUUD XAAJI YUUSUF.
SHIIKH DAAHIR AW CABDI.
SHIIKH MUXAMMED MACALIM AXMED.
Su’aalaha kadib ayaa waxaa kalmad dardaaran ah soo jeediyay SHIIKH AXMED CABDI SAMAD ugu baaqay bulshada reer puntland in aan ilaaninno mabaadi’dii lagu heshiiyay markii la aasaasay puntland oo ay ka midahayd raadinta soomaali mid ah ,sidoo kale shiikhu waxa sheegay inay muhim tahay in aan wax ku doorano karti iyo waxqabad ,mabaadi ee aan wax lagu dooran dhuuni xoolo iyo nin ama koox jeclaysi ama qabiil,shiikha ayaa ugu danbayntii ugu baaqay dawladda fadaraalka ah in ay ka shaqeeyaan midnimada iyo walaalaynta ummadda soomaaliyeed oo ay ka soo dhalaalaan masuuliyadda iyo magaca soomaaliyeed ee ay xanbaarsanyihiin.
shiikh axmed kadib ayaa waxaa hadlay sh.cusman maxamud aw cusman oo ku hadlay maamulka masjidka nadwada marti galiyay oo u mahad ciliyay culimada soo jeediysay nadwada iyo mu’asasada minhaaj oo soo qabanqaabisay ,soona dhaweeyay ergada kala duwan ee isugu timid garowe ,aadna ugu adkeeyay bulshada in laga wada shaqeeyo amniga .
waxaa sidoo kale faahfaahin ka bixiyay nadwada iyo qaabka ay u dhacday diyarinteeda iyo isku dubaridkeeda iyo goobaha lagu bahiyay GUDOOMIYAHA MU’ASASADA AL MINHAAJ EE DACWADA IYO HORMARINTA MUDNE MUXAMMED MAXAMUUD CIISE.
culimada ayaa nadwada ka soosaaray baaq wada jir ah oo xanbaarsan talooyin dhaxalgalah ku sucda qaybaha bulshada,waxaana akhriyay bayaankaas SHIIKH C/QANI QORANE MUXAMUUD.
gunaanadkii nadwada ayaa culimadu waxa ay u soo jeediyeen bulshada in talooyinka nadwadu xanbarsantahay loo badalo wax qabad qofkastana u istaago.
Nadwada ka dib ayaa waxaa si wada jir ah u soo bandhigay xog ku saabsan halka ay marayaan hawlaha gurmadka lagu taakulaynayay dadkii ku waxyeeloobay daadadkii ka dhacay qaybo ka mid ah puntland SHIIKH MUXAMUUD XAAJI YUUSUF IYO SH AXMED YUUSUF DAAD ,gurmadkaas oo ay maamulaysay mu’asasada ALMINHAAJ iyaga oo sheegay in ay dhawaan bilaabi doonaan waji cusub oo xoolo qaybin ah iyaga oo ballan qaaday in ay u samayn doonaan wajigaas kadib xaflad lagu soo bandhigidoono waxqabadkeeda oo faahfaahsan,sidoo kale waxay soo bandhigeen lacago kala duwan oo ka soo gaaartay meela kala duwan ee dunida ka midah.
Musasada Al-minhaaj ayaa nasoo gaarsiisay.
Faafinta Puntlandpost.com