Garowe(pp) Inta badan Isimadda ku sugan magalada Garowe xarunta dowladda Puntland ayaa galabta kulan ku yeeshay magalada,kulankaasi oo uu qadka talleefoonka uga qayb galay Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Somalia kuna sugan magalada London.
Isimadda ayaa diiradda ku saaray kulan kooda sidii ay uga wada xaajoon lahaayeen arrimaha doorashada iyo wixii loo xalin lahaa haddiiba ay khilaaf ka yimaado xubnaha cusub ee baarlamaanka hadda horyaala.
Shirkan ayaa dabo socdo shirar kala duwan oo ay maalmihii ugu danbeeyay Isimadu ku lahaayeen magalada Garowe,kuwaasoo looga arrinsanayay sidii loo dhamayn lahaa khilaafyadda taagab,maadama doorashadda ay ka harsan tahay maalmo kooban,waxana ay soo dhaweeyeen tanaasulka ay muujiyeen murashaxiintii kasoo horjeeday guddiga xalinta khilaafaadka ee uu dhowaan magacaabay Cabdi-Raxmaan Farole.
Inkastoo murashaxiintu baaqa ay soo saareen ku dareen inay muhiim tahay in la dhiso guddi Isimo ah oo marjaca ugu danbeeyay ee dib loogu noqdo haddii khilaaf ka yimaado xubnaha lasoo xulayo la helo,taasoo ay sharuud uga dhigeen ka tanaasulkoodii guddiga xalinta khilaafaadka.
Shirka Isimadda oo aan wax natiijo ah kasoo bixin,ayaa Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Somalia Kay uu Isimadda ku dhiiri galiyay arrinta taagan in lagu dhameeyo maalmaha soo socdo,si doorashadda 8-Janaayo loo wajayo iyadoo la isku duuban yahay.
Wararka hoose ee Puntlandpost soo gaaraya ayaa sheegaya inay jirto kala aragti duwanaan u dhaxaysa Isimadda dhexdooda,maadama wali la isku haysto Sandalada Boqortooyadda Daarood.
Waxaase la hubin sida ay magalada Garowe u imaan doonan Isimadda Sool iyo Cayn oo horay u sheegay inay Puntland ka go’aan,taasoo ay ku baaqeen murashaxiinta in Isimaddaasi loo yeero oo shirka isimadda ee Garowe laga qayb galiyo,maadama ay yihiin Isimadii wax ka dhisay Puntland 1998-dii.
Inkastoo aan wax war ah laga hayn halka ay howshu u marayso guddiga xalinta khilaafaadka,haddana waxaa la sheegayaa inaysan wali soo dhamaystiran Isimadda xubnihii baarlamaanka cusub ka mid noqon lahaa,waxaana dhamaaday waqtigii loogu talo galay in lago soo xareeyo xubnaha cusub si loo gudo galo kala shaandhayntooda.
Ma jirto wax go’aamo ah oo shirka isimadda kasoo baxay,waxana lagu wadaa maalmaha soo socda inay soo saaraan go’aan midaysan.
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe