Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

GAROOWE: “Caruurtan gaajo ayaa noo geysay in aan Bosaso usoo dirsano” ! (Warbixin iyo Sawiro)

$
0
0

Garoowe: (pp)-Gabdhahan oo laga soo ka xeystey tuulada xawaadley oo ka tirsan gobolka Sh/Dhexe ayaa da’dooda u dhaxeysaa 5 sano jir ilaa 13 sano jir, waxaana markii la qabteyba lagu wareejiyey wasaaradda haweenka oo deryeel iyo xanaaneyn-ba u fidisay.

Ku xigeenka Xeer ilaaliyaha Maxamed Farah

Ku xigeenka Xeer ilaaliyaha Maxamed Farah

Maxamed Xareed Faarax Ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Puntland oo warbaahinta kula hadlay guriga caruurtan lagu hayo ayaa waxa uu sheegay in labada nin ee caruurtan watay magacyadooda la kala yiraahdo Xuseen Maxamed Yacquub oo 22-jir iyo Ismaaciil Maxamed Xiis oo 21-Jir.

Walidka iyo Carurta la xadey oo iskugu xiisey intii ay kala maqnaayeen

Walidka iyo Carurta la xadey oo iskugu xiisey intii ay kala maqnaayeen

Wuxuuna xeer ilaaliyuhu intaas ku darey in gabdhaha iyo nimankii waday markii la qabtey laga shakiyey islamarkaana wareysi hay,addaha amnigu la sameeyeen nimankii watey ay u qirteen in ay u wadeen haweenay degan magaalada Boosaso oo xitaa bixisay nooliga ay kaga soo tageen Xawaadley.

Wuxuuna sheegey ku xigeenka xeer ilaalintu in ay taasi cadeynayso in gabdhaha loo watey ka ganacsiga , isagoona xusey in nimanka watey gabdhaha yar yar mid ka mid ah uula dhashey gabdhaha yar yar waliba midda ugu yar .

Gabdhaha Waalidkood lagu wareejiyey maanta

Gabdhaha Waalidkood lagu wareejiyey maanta

“Nasiib wanaag maanta waxaa nala jooga oo noo yimid laba ka mid ah waalidiinta gabdhan dhalay waan ku wareejin doona daamanad baana ka qaadaynaa waxaan loo celin doon guryahoodii laga soo kaxaystay,labada eedaysanena waxay ciqaab ka mudan yihiin qanuunka ayay mari doonaan”ayuu yiri xeer ilaaliyaha oo ka hadlayey habka loogu wareejin doono gabdhahan waalidkood.

Waalidka Gabdhaha la qabtey oo warbaahinta la hadlayaHooyooyinka dhalay qaar ka mid ah gabdhahan oo Xawaadley ka yimid ayaa warbaahinta la hadlay waxayna sheegeen dhankooda in ay ka war qabeen soo bixitaanka caruurtooda, midaas oo ay ku sifeeyeen sababihii nimankan ugu soo dareen in ay ahayd gaajo ayna usoo dirsadeen bosaso , iyaga oo sheegey in hadiiba la qabtey ay diyaar ula yihiin in ay la noqdaan.

Sheegashada waalidkooda caruurta ay ku qirayaan in ay lug ku lahaayeen ayaa noqoneysa mid la yaab ku noqoneysa dhacdooyinka Somalia maalinba maalinteeda kale lagu arkayo, taasi oo dadku ku sifeynayaan Yaab iyo Amakaag , waalid caruurtiisii qaab aan sharci ahayn usoo dirsadey.

Gabdhaha lasoo xadey iyo Qaar ka mid ah waalidkooda

Gabdhaha lasoo xadey iyo Qaar ka mid ah waalidkooda

Waxaa la filayaa maalinta sabtida in gabdhahan lagu wareejiyo waalidkooda hadda jooga ee yimid Garowe, iyadoona ay kasoo qeyb galayaan wareejintooda hay,addo ka socda beesha caalamka gaar ahaan saraakiil ka socota hay,adda IOM oo ka mid ah hay,addaha dagaalka kula jirta daabulka iyo ka ganacsiga dadka.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Puntland lagu qabto caruur lagala yimid gobolada koonfurta, iyadoona sidoo kale gudaha Puntland lagu qabtey caruur waalidkood laga soo xadey oo aysan u war hayn, balse tani waxay kaga duwan tahay dhacdooyinkii horre waalidka caruurtan oo raali ka ahaa in laga soo fogeeyo ilmahooda.

Xafiiska Puntlandpost

Magaalada Garoowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>