Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

KISMAAYO: Waan ku kala kacnay shirkii Kismaayo, wixii hadda ka danbeeya maamulkeena ayaan dhisanaynaa.. ” mid ka mid ah siyaasiyiinta Jubbaland

$
0
0

Kismaayo: (pp)-  Masuul ka tirsan Siyaasiyiinta Jubbooyinka oo aan kula xiriirnay khadka Taleefanka ayaa Puntlandpost u sheegay inay ku adkaatay in ay wax fahansiiyaan masuuliyiinta ka socota dowlada Federaalka ee Soomalaiya , waxaa kaloo ku adag madaxda dowlada inay xaqiiqda u dhowaadaan oo wadanka ay ogaadaan inuu Federaal yahay ” ayuu Puntlandpost u sheegay masuulkaasi oo magaciisa ka gaabsaday inaan  lagu xuso Saxaafada.

Shirkii waa lagu kala kacay , waxaana dhisan doonaa Maamulka Jubbaland State.

Shirkii waa lagu kala kacay , waxaana dhisan doonaa Maamulka Jubbaland State.

Waxuu kaloo masuulkaasi sheegay in shirkii Caawa fiidkii lagu kala kacay oo aan aysan harin wax wanaag oo laga filayo dowlada Federaalka ee Soomaaliya.

Mar aan weydiinay masuulkan Talaabada xigta ay qaadayaan ayuu noo sheegay in hadda wixii ka danbeeya ay sii wadan doonaan dhamaystirka shirkii horay uga socday Beelaha degan Sadexda gobol ayna ku rajo weyn yihiin in guul wanaagsan laga gaari doono inshaa’alah, laga hirgelin doona dowlad goboleedka Jubbaland State . waa sida uu hadalka u dhigaye..

” Waxaa halkii kasii socon-doona shirarkii maamulka loogu dhisayey deegaanadan, wax rajo xuma ahna naguma dhacayso, waxa muuhiimada gaarka ah leh, waa rabitaanka shacabka Jubbooyinka & Gedo , guushuna halkaas ayey taalaa ” ayuu siyaasiganu u sheegay Puntlandpost.

Sikastaba, Kulamadii  horay u socday ayaa  waxaa ka qeyb galayey marka laga tago labada garab ee ka kala tirsan DF iyo Maamulka KMG Kismaayo , Siyaasiin kale oo ku sugnaa kismaayo maalmihii lasoo dhaafey, kuwaas oo iyana sida la sheegey ka hor yimideen aragtida ay wataan garabka Ray,isal wasaare Saacid.

Dadka reer Kismaayo ayaa caawa hadal haya sida ay fashilka ugu yimaadeen wada hadaladaasi , kuwaas oo tilmaamaya waftiga Ray,isal wasaaraha in ay keeneen magaalada fariin looga soo dhiibey Muqdisho oo aysan waxba ka bedeli karrin xataa hadii xal loo baahnaa in labada dhinac ay wada gaaraan.

Markii la ogaaday qaabka iyo fashilka ay dowladu la doonayo Jubbaland & Gedo ayaa waxaa Jaamacadda Kismaayo durba laga bilaabay  shirar gooni gooni ah oo ay ku leeyihiin Ergeyda ka qeyb galeysa maamulka la doonayo in uu ka hano qaado Jubo-land iyo Gedo, kuwaas oo iyana aaminsan sida la sheegey in aysan ku qancin qaabka ay DF usoo abaartey is mari waaga siyaasadeed ee Kismaayo ka jirra.

Ray,isal wasaare Abdi Faarax Shirdoon ayaa saddexdii beri ee ku sugnaa Kismaayo tagin goobta shirku ka socdo oo ay ku dhan yihiin sida la sheegey wax-garad iyo aqoon yahano badan oo kasoo jeeda deegaanadaas,midaas oo uu uga gaabsadey wada hadaladii oo aan guul kasoo hoynin.

Wasiirka arrimaha guddaha oo og Caawa natiijada shirka ayaa saxaada  ka gaabsaday inuu runta cadeeyo , isagoo sheegay  inuu Beri inta aysan ka soo bixin magaalada Kismaayo ay sheegayaan shirarkaas iyo waxyaalihii la isla soo qaaday.

Puntlandpost oo Faalooyin badan ka qortay shirarka dowlada iyo masuuliyiinta Jubbooyinka u dhaxeeyey ayaa horay u sheegtay in Go’aano kooban Wafdiga dowlada in looga soo dhiibay Muqdisho, qodobadaas oo aysan waxba ku darri karin waxna ka dhimi karin, taasi waxay keentay in guuldarro kala dheelmanayaan magaalada Kismaayo maalinka Beri ah oo ku beegan 29-ka Maasrso , 2013-ka.

 

Puntlandpost, Kismaayo, Jubbaland

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>