Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22944

Garowe:Faah faahin ku saabsan amaro adag oo kasoo baxay guddiga (dhagayso)

$
0
0

Garowe(pp) Iyadoo lagu jiro howlgalkii ugu danbeeyay ee xiliga doorashada ayaa waxaa maanta amar adag uu kasoo baxay guddiga amniga ee xiliga doorashada,taasoo ku aadan inuusan jiri doonan dhaq-dhaqaaqa gaadiidka maalinta ay doorashadu dhacayso.

Siciid DheereTaliyaha ciidanka difaaca ahna gudoomiyaha howlgalkan hoggaaminaya Gen.Siciid Maxamed Xirsi(Siciid Dheere) ayaa sheegay inay gudo galleen howlalka wajiga saddaxaad ee amniga,wuxuna sheegay maalinta ay doorashadu dhacayso inuu xiran yahay laamiga dheer ee xariiraya Gobaladda Puntland.

Wadooyinka waa wayn iyo kuwo yar yar ee magalada Garowe ayaa maantey waxaa lagu arkayay ciidan aad u faro badan,kuwaasoo baaritaano adag ku haya gaadiidka iyo dadka,waxana sidoo kale baaritaanadaan oo kale ay ka socdaan labada kaantarood ee magalada.

Gen.Siciid Dheere howlgalkii ugu danbeeyay

 

Cali Cabdi Ducaale
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22944

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>