Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Garowe:Dr.Saadiq Eenow oo tanaasulay iyo dardaaran adag oo uu jeediyay(Dhagayso)

$
0
0

Garowe(pp) Dr.Saadiq Eenow oo ka mid ahaa murashaxiinta u taagan xilka madaxtinimadda Puntland ayaa galabta Garowe kaga dhawaaqay inuu xilkaasi ka tanaasulay.

EenoWaxa uu sheegay Prof.Eenow inuu arrimo u gaar ah darteed uu murashax-nimadiisa uga tanaasulau,wuxuna murashaxiinta tartamaya u rajeeyay guul.

Eenow ayaa murashaxiinta kula dardaarmay inay shacabka u balan qaadaan inay dhisi doonaan haddii ay xilka ku guulaystaan maxkamadii Dastuuriga ahayn iyo in saddexda bilood ee ugu horeeya lagu hirgaliyo nidaamkii ururadda siyasada si looga baxo marxalada lagu jiro.

Baarlamaanka cusub ee wax dooran doono ayuu kula taliyay inay soo saaraan hoggaamiye wanaagsan oo dadka wax u qaban kara.

Inkastoo Eenow uusan sheegay inuu cid u tanaasulay,hadana waxay saaxiib dhow yihiin Murashax Maxamed Cabdinuur Xirsi oo ay ka wada tirsanaayeen ururkii Midnimo.

 

Cali Cabdi Ducaale
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>