Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Garowe:Murashax Cali Cabdulqaadir Yuusuf oo la kulmay qaar ka mid ah xidhibaanada Pl(Sawirro)

$
0
0

Garowe(pp) Murashax Cali Cabdiqaadir Yuusuf oo ka mid ah ragga buuxiyay sharuudaha ay soo bandhigeen guddiga doorashada KMG ah ee Puntland ayaa caawa kulan casho ah waxa uu la qaatay qaar ka mid ah xildhibaanada cusub,Odayaal dhaqan iyo dhalinyaro,kulanka ayaa ahaa mid isbarasho ah iyo sidii la isku waraysan lahaa maadama maalin ka dib doorashada la gali doono.

dMurashax Cali Cabdiqaadir oo cashada ka dib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay kulanka uu qaybaha kala duwan ee bulshada la qaatay,wuxuna sheegay haddii uu madaxwayne noqdo uu wax badan u qaban doono shacabka siiba kuwo danyarta ah ee u baahan in la garab istaago.

Waxa uu xildhibaanada cusub ee Puntland ugu baaqay inay si qoto dheer uga fekaraan cida ay masuuliyadda Puntland ku aaminayaan oo aysan lacag iyo wax la mid ah xooga saarin.

Qaar ka mid ah dadkii ka qayb galay ayaa soo dhaweeyay khudbada murashax Cali Cabdiqaadir,waxayna ku tilmaameen inuu yahay shaqsi wanaagsan oo u qalma inuu Puntland hoggaamiyo.

Maalinta barito ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay 7-bisha ayaa lagu wadaa in la bilaabo dhagaysiyada khudbadaha murashaxiinta oo hadda gaaraya 21-murashax.

Ammaanka ayaa si wayn loo adkeeyay,waxana wadooyinka waa wayn iyo kuwo yar yar ee xaafadaha lagu arkayaa ciidan kala duwan oo baaritaano kala duwan ku haya gaadiidka iyo dadka.

77 45 tt e c 222 88 1

Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>