Garoowe: (pp)- Urur siyaasadeedka Wadajir ee Puntland ayaa caawa soo saarey war saxaafadeed kasoo baxay xafiiska ururka , kaasi oo uu kaga jawaabayo qodobo dhowr ah oo ay ku sheegeen been abuur warbaahinta qeybteed ururka ka faafiyeen , iyada oo ururku war saxaafadeedkiisa ku dhaliiley wararka websit-yada qeybtood ay soo qorayaan.
Ururka ayaa ku cadeeyey warsaxaafadeedkiisa in aysan wax lug ah ku lahayn xariga xoghayihii ururkaas oo ku xiran Garowe , islamarkaana cidda faafisey wararkaasi ururku kala xisaabtami doono, sharcigana la tiigsanayo.
Dhinaca kale Puntlandpost oo xiriir la sameysay saraakiil ka tirsan booliska Nugaal ayay u xaqiijiyeen in xariga xoghayihii ururka wadajir uu ka danbeeyey arrimo madaniya ah, ka dib markii la soo dacweeyey, islamarkaana meesha aysan ku jirin wax siyaasad ku lug leh sida ay noo xaqiijiyeen ilahaasi.
Sidoo kale warqad qoraal ah oo kasoo baxday xafiiska Gudoomiye ku xigeenka Ururka Wadajir Luul Jaamac ayaa lagu cadeeyey in xilkii laga qaaday Xoghaya ururkaasi.
Xafiiska Puntlandpost
Magaalada Garoowe