Muqdisho(pp) Qoraalo kala duwan oo kasoo baxay xafiisyada saddexda masuul ee ugu sareeya dowladda dhexe ayaa lagu muujiyay guusha uu Ra’iisulwasaarihii hore ee Somalia ka gaaray doorashada Puntland.
Qoraalka madaxwaynaha Somalia
Muqdisho, 08 Janaayo 2014 – Madaxweynaha Somalia Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa u hambalyeeyey Dr Abdiweli Mohammed Ali Gaas oo ku guuleystay xilka Madaxweynenimo ee Puntland, tasoo ah guul u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa yiri “Waxaan hambalyo qaas ah u dirayaa Dr Abdiweli Mohammed Ali Gaas, oo aan wadashaqeyn dhow yeelan doono, iyadoo Dowladda Federaalka ay dar-dargelineyso dhaqangelinta Federaalka Somalia. Puntland waxey tusaale fiican u tahay dalka intiisa kale.”
“Waxaana u mahadcelinayaa dhammaan musharaxiintii iyo sidii nabadda aheyd ee ay u loolantameen. Puntland waxey tustay dalka intiisa kale iyo caalamkaba in dhaqanka dimoqraadiyadda uu ka jiro Soomaaliya, waana in arrintan ay nagu hagtaa sidii aan dalka dib ugu dhisi laheyn.”
Madaxweynahu waxuu ammaanay Baarlamaanka Puntland sidii mas’uuliyadda laheyd oo ay u maareeyeen doorashooyinka.
“Xildhibaanadii matalayey shacabka Puntland waa codeeyeen oo ay soo afjareen olalahii doorashooyinka oo maalmahan la hadal hayey. Sidoo kale waxaan ammaanayaa oo aan u mahadcelinayaa Madax Dhaqameedka, Guddiga Doorashooyinka iyo hay’adaha amniga oo sugay amniga iyo nabadda xilligii doorashooyinka, kaasoo doorashooyinka ka dhigay kuwo guuleysta.”
Madaxweynaha ayaa u mahadceliyey Madaxweynihii hore ee Puntland Abdirahman Mohamed Mohamud Farole oo madaxweyne ka ahaa Puntland 5tii sano ee la soo dhaafay islamrkaana fuliyey doorashooyinka inay waqtigooda dhacaan, uuna aqbalo go’aankii codynta”.
-DHAMAAD
Qoraalka Ra’iisulwasaaraha Somalia.
January 8, 2014—–Ra’iisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee la doortay ee dawlad goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.
Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa ku tilmaamay doorashadan mid taariikhi ah, una dhacday si hufan oo Dimuqraadi ah, waxa uuna si gaar ah hambalyo ugu diray madaxweynaha cusub Dr. Cabdiweli Gaas, isaga oo alle uga rajeeyey inuu xilkan culus la garab galo.
“Waxaan hambalyo diiran halkan uga dirayaa madaxweynaha cusub ee Puntland Mudane Dr. Cabdiweli Cali Gaas maanta ku guuleystay doorashadii ka dhacday magaalada Garoowe ee Puntland oo ah saaxiib aan aad u garanayo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo sheegay inuu ku ammaanayo Cabdiweli Gaas howshii uu horay uga soo qabtay dalka xilligii uu Ra’iisul Wasaaraha ka ahaa dawladdii KMG aheyd.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ku ammaanay madaxweynihii hore Puntland Dr. C/raxmaan Faroole kaalintii uu ku lahaa hirgelinta doorashooyinka iyo xasiloonida, iyo sida uu u aqbalay natiijada codeynta Baarlamaanka oo ah mid muujinaysa mas’uuliyad.
“Waxay aheyd doorasho mugleh oo muujisay biseylka ay Puntland horay ugu talaabsatay dhanka Dimuqraadiyadda, waxayna ku dhacday jawi aad u heer sareeya oo dadka Soomaalidu u riyaaqeen, waxayna muujineysaa in ay dalka ka dhici karaan doorashooyin xor ah” ayuu mar kale yiri Ra’iisul Wasaaraha oo balan qaaday in xukuumadiisu ay la yeelan doonto xiriir dhow iyo wada shaqeyn madaxweynaha cusub ee Puntland, isla markaana ay si buuxda u garab istaagi doonaan.
-DHAMAAD-
Qoraalka Afhayeenka Baarlamaanka
Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa u hambalyeeyey Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland ee la doortay maanta.
“Hor iyo horaan anigoo ku hadlaya magaceyga,magaca Gudoonka Baarlamaanka iyo magaca Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaan halkaan hambalyo uga dirayaa Madaxweynaha cusub ee Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Prof C/weli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweyne ku xigeenkiisa Mudane C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar Cameey oo aan ugu hambalyeeynayo xilka culus ee ay maanta u doorteen Golaha Wakiillada Puntland”ayuu hadalkiisa ku bilaabay Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Gudoomiyaha Golaha Shacabka.
Madaxweynaha cusub ee la doortay Mudane Prof C/weli Maxamed Cali Gaas waa nin aqoonyahan ah mudooyinkan dambena kusoo dhexjiray siyaasadda isagoo kasoo qabtay dowladdii Federaalka KMGka aheyd xilal Wasiir iyo Ra’isulwasaare waxaanna aaminsannahay inuu gudan doono mas’uuliyadda iyo waajibaadka loo igmaday,si gaar ahna hirgelinta nidaamka Federaalka iyo hormarintiisa,ka Baarlamaan ahaanna waxaan rajo ka qabnaa wadashaqeyn joogta ah ineynu yeelano taasi oo aan ballan qaadeyno.
Nidaamka,degenaanshaha iyo daahfurnaanta ay doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland u dhacday ma ahan kaliya mid uu ku ammaananyahay Golaha Wakiillada Puntland ee waa sharaf iyo guul weyn oo usoo hooyatay Shacbiga Soomaaliyeed guud ahaan,gaar ahaanna shacabka Puntland taasina waxey marqaati u tahay in Soomaaliya ay awood u leedahay maareynta arrimaha Soomaaliyeed guud ahaan,Golaha Wakiillada ee Puntland si gaar ah ayaan ugu ammaanaya sida ay Doorashadan u hageen.
Ugu dambeyntii waxaan Alle uga rajeyneynaa inuu u fududeeyo waajibaadka iyo howlaha shaqo ee horyaala Madaxweynaha cusub ee La doortay iyo ku xigeenkiisa,waxaan sidoo kale ku boorineynaa gobollada kale ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee aanay weli ka hirgelin nidaamka Federaalka iyo dhisida dowlad goboleedyada iney ku daydaan walaalahooda Puntland ugana daydaan hirgelinta hanaanka dimuqraadiyadda.
WABILLAAHI TOWFIIQ
—DHAMAAD—
Puntlandpost.com
Xafiiska Muqdisho