Garowe(pp) C/Xakiin C/laahi Xaaji Cumar ayaa maanta loo doortay inuu noqdo madaxwayne ku xigeenka dowladda Puntland,wuxuna kaga guulaystay madaxwayne ku xigeenkii hore iyo murashax Cabdilaahi Cali Timacade.
Camey waxay wareega ugu danbeeyay isla soo gaareen Cabdilaahi Timacade wuxuna kaga guulaystay codad gaaraya 48-cod halka Timacadane uu halay 16-cod oo kaliya.
Madaxwayne ku xigeenka cusub ee Puntland Camey oo goobta hadalka looga yeeray ayaa ka mahad celiyay sida wanaagsan ee ay baarlamaanku ugu doortay maaxwayne ku xigeenka,wuxuna sheegay maanta ka dib in la gali doono wada shaqayn iyo isku duubni.
Madaxwayne ku xigeenkii hore ee Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire ayaa soo dhaweeyay doorashada madaxwayne ku xigeenka siday u dhacday,wuxuna bogaadiyay madaxwayne ku xigeenka cusub oo uu sheegay inay howl badan sugayso.
Timacade oo ahaa murashax ay Cabey wareega ugu danbeeya isla soo gaareen ayaa sheegay Camey iyo Gaas inay sugayso howlo culus oo u baahan muujin waxqabadeed oo mug leh.
Ugu danbayntii waxaa soo xiray kulanka lagu dooranayay madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa gudoomiyaha baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire oo sheegay fadhiag baarlamaanka inuu qabsoomi doono haddii alle idmo,maalinka Isniinta.
Ammaanka magalada Garowe ayaa si wayn loo adkeeyay,waxana socda dhaq-dhaqaaq ciidan.
Cali Cabdi Ducaale
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe