Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Garowe:Isimadda Puntland oo soo dhaweeyay madaxda cusub ee Puntland(Sawirro)

$
0
0

Garowe(pp) Isimadda Puntland ayaa guul ku tilmaamay habkii ay maantey u dhacday doorashada madaxwaynaha iyo madaxwayne ku xigeenka dowladda Puntland.

2Boqor Axmed Boqor Cabdilaahi Boqor Muuse oo ka mid ahaa Isimadii lagu caasumay doorashada madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa ayaa boggaadiyay madaxwaynaha ee Pl Cabdiwali Maxamed Cali Gaas,wuxuna sheegay Boqorku inay la shaqan doonaan isla markasna ay garabkiisa taagan yihiin.

Boqor Axmed ayaa alle uga baryay xukumadda cusub ee Puntland yeelatay inuu howsha u fududeeya,kuna guuleeyo waxyaabaha ay qaban doonto.

3Sidoo kale waxaa soo dhaweeyay madaxwaynaha cusub Islaan Ciise Islaan Maxamed Islaan Muuse,khudbad uu hoolka baarlamaanka ka jeediyay ayuu ku sheegay madaxwayne Gaas inay la shaqayn doonan,loona baahan yahay in xili kasta laga shaqeeyo midnimadda iyo danaha Soomaaliyeed.

Garaad Cabdilaahi Cali Ciid ayaa dhankiisa doorashadaan ku tilmaamay mid taariikhi ah oo aan ka dhicin wax khilaaf ama is-mari waa ah,wuxuna sheegay in la xusi doono.

Aqalka uu hadda sida KMG ah u degan yahay madaxwayne Gaas ayaa si wayn loo adkeeyay,waxana lagu wadaa maalmaha soo socda inuu xogta dowlada kala wareego madaxwaynihii hore Farole.

1

 
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>