Garowe(pp) Kulan looga hadlayo ammaanka caasumada iyo sidii looga wada shaqayn lahaa ayaa maanta lagu qabtay hoolka shirarka mamulka dowladda hoose.
Waxaa shirkaasi kasoo qayb galay mamulka Gobalka Nugaal kan degmada,mamulka Karkaar iyo nabadoonada gobalka,waxana lagu gorfeeyay adkaynta ammaanka caasumadda iyo sidii qof kasta uu doorkiisa uga qaadan lahaa,maadama madaxda cusub ay xilka la wareegeen,waxana shirka hadalo soo dhawayn iyo dardaaran ah kasoo jeediyay inta badan Nabadoonadii kasoo qayb galay,waxayna sheegeen nabada oo la adkeeyo inay cid kasta dani ugu jirto.
Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa sheegay inay muhiim tahay in ammaanka laga shaqeeyo oo la garab taagnaado ciidanka ammaanka oo habeen iyo maalin soo jeeda.
Kulankan ayaa waxa uu kusoo aadayaa xili maalinkii shalay madaxwayne loo doortay ra’iisulwasaarihii hore ee Somalia Mudane Cabdiwali Maxamed Cali,waxana doorashadiisa laga soo dhaweeyay dhamaan dalka iyo dibadiisa.
War bixin faah faahsan oo shirkaasi ka hadlaysa halkan hoose ka dhagayso.
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe