Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Garowe:Haweenka Soomaaliyeed oo ka shiraya siyaasada iyo doorka ay ku lee yihiin(Sawirro&dhagaysi)

$
0
0

Garowe(pp) Magalada Garowe xarunta dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxaa hadda ku sugan haween Soomaaliyeed oo ka kala yimi Gobalada Somalia,kuwaasoo ka shiraya maalmaha soo socda muujinta doorka ay ku lee yihiin siyaasada iyo hormarka.

5Wasiir ku xigeenkii wasaaradda caafimaadka Marwo Saynab Ugaas Yaasiin ayaa caasumaad casho sharaf ah ugu samaysay xarunta Gobsoor,kulanka ayaa ahaa mid isbarasho ah maadama haweenkan ay ka kala yimaadaan dalka dibadiisa iyo gobalada kale ee Somalia.

12Marwo Saynab Ugaas Yaasiin ayaa sheegtay inay muhiim tahay haweenka Soomaaliyeed inay ka hadlaan doorka ay ku lee yihiin xaaladda Somalia,maadama dowlada dhexe iyo mamuladda gobalada kale ee dalka aysan door muuqda ku lahayn.

8Saynab waxay haweenka Soomaaliyeed ku tilmaamtay inay yihiin kuwo dhibka soo mara kali ku ah,xaalada qoyskana ay masuul wayn iska saareen,taasna ay cadayn u tahay inay kasoo bixi karaan howl kasta oo sharciga islaamku u jidaynayo iyo kan dastuurka ku qoran.

11Qaar ka mid ah haweenkii gobalada ka yimi ee kulankan ka hadlay ayaa soo dhaweeyay caasumaadda ay Saynab Ugaas u samaysay,waxayna sheegeen haweenku inay yihiin kuwo midaysan una taagan inay dalkooda iyo dadkooda hormarshaan.

13Haweenkan ka kala yimi gobalada dalka ayaa magalada Garowe u yim sidii ay uga qayb gali lahaayeen kulan ay soo qaban qaabiyeen Haweenka talowadaag ee Puntland,kaasoo looga arrinsanayo xaalada ay haweenku ku sugan yihiin iyo sida ay door muuqda uga qaadan karaan marxaladda cusub ee wadanku uu galay.

 

10 9 7 4 3 2 1

 

15 14

Cali Cabdi Ducaale
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>