Garowe(pp) Agaasime ku xigeenka hay’adda cilmi baarista Puntland ee PDRC ayaa tilmaamay madaxwaynihii hore ee Puntland Gen.Cadde Muuse inuu masuul ka ahaa in doorashada madaxtinimadda Puntland ay ku dhacdo si lagu wada kalsoon yahay.
Cali Faarax Farmayeeri ayaa sheegay Cadde inuu yahay shaqsi wanagasan oo Oday ah,isla markasna khilaafkii u dhaxeeyay murashaxiinta iyo madaxdii markaasi xafiiska joogtay uu ku dhameyay si wanaagsan oo kolkii danbe saamaxday doorashadu inay ku dhacdo si xalaal ah.
Waxa uu sheegay madaxwayna cusub ee Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas in looga fadhiyo boqolka maalmood ee ugu horaysa inuu hirgaliyo nidaamkii axsaabta badan ee horay u uu istaagay.
Hadaba halkan hoose ka dhagayso Cali Faarax oo waraysi gaar ah siiyay Puntlandpost.
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe