Garowe(pp) Ciidaanka ammaanka magalada Garowe caasumadda Puntland ayaa caawa howlgal xoogan oo ammaanka lagu adkaynayo waxay ka bilaabeen qaar ka mid ah xaafada iyo wadooyinka muhiimka ah.
Gaadiidka iyo dadka ayaa si wayn loo baarayaa,waxayna arrintaan ka danbaysay ka dib markii la sheegay in habeenadii xalay ay jireen kooxo dadka dhibaato u gaysanaya isla markasna waxay wataan ka furanaya.
Wadooyinka waa wayn ee muhiimka ah ayaa noqday kuwo aad u mashquulsan,waxana ka socda baaritaanka ay ciidanka ammaanka ku samaynayaan gaadiidka.
Qaar ka mid ah dadka gaadiidkooda la baaray oo la hadlay Puntlandpost ayaa ku sheegay inay tahay mid amniga lagu adkaynayo,ayna wax wayn ka badali doonto.
Wararka kale ee soo gaaraya Puntlandpost ayaa sheegaya ciidan ka tirsan kuwo ilaaliya madaxtooyadda magalada Bosaaso inay dhaceen hub kayd ahaa oo madaxtooyadda yaalay,waxana ka dhashay isku dhac dhex maray ciidanka madaxtooyadda,labo askari oo ka mid ahaa kuwa dhacay hubka ayaa ku dhaawacmay.
Arrintaan ayaa waxay kusoo aadaysaa xili uu maantay madaxwaynaha dowladda Puntland Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas uu ka digay inaan lagu tagri falin hantida dowladda,lana xafido.
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe