Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Garowe:Madaxwaynaha Puntland oo lagu marti qaaday barnaamijka waxay ila tahay ee BBC(dhagayso)

$
0
0

Garowe(pp) Madaxwaynaha cusub ee dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) oo labo maalin ka hor baarlamaanku u doorteen madaxwaynaha shanta sano hoggaamin doono Puntland,ayaa galabta ka qayb galay barnaaminka waxay ila tahay ee ka baxa BBC.

Gaas7
Waxa kale uu barnaamijka kula jiray dad aqoon yahamiin ah iyo qaybaha kala duwan ee bulshada oo qaarkood afgaartooda qoraal iyo cod ahaan kusoo gudbinayay,inkastoo su’aalaha la waydiiyay Gaas ay ahaayeen kuwo taagan,haddana waxaan xooga saari doonan kuwo ugu miisaanka culus.
Madaxwayne Gaas iyo la-dagalanka Alshabab.
Madaxwaynaha dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay inay muhiim tahay la-dagalanka kooxda lashabab,wuxuna sheegay xiligii uu ra’iisulwasaraha ahaa inuu xooga saaray adkaynta amniga iyo sifaynta kooxda alshabab,ayna haddaba ka go’an tahay adkaynta ammaanka gobaladda Puntland iyo sidii looga sifayn lahaa kooxda yar ee wali ku dhuumaalaysanaysa buuraha Golis ee Galgala.
Hagaajinta xiriirka dowladda dhexe iyo Puntland.
Madaxwaynaha dowladda Puntland Dr.Gaas waxa uu sheegay inay muhiim tahay in laga wada hadlo arrimaha xasasiga ah ee kala fogeeyay Puntland iyo dowladda dhexe,wuxuna tilmaamay sifo kasta oo wanaag lagu gaari karo hagaajinta xiriirka dowladda inuu u marayo isagoo la kaashanaya gollahiisa xukumadda iyo madaxwayne ku xigeenka.
arrinta khilaafka kala galisay Puntlnad iyo dowladda dhexe ee Somalia aan wax yar falanqayn ku samayno.madaxwaynihii ka horeeyay Gaas,Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Farole waxa uu dhowr jeer oo hore sheegay dastuurkii lagu heshiiyay ee qaranka in laga saaray qodobo muhiim ah iyo qaar kale oo is-dabo marin lagu sameeyay ,in deeqaha caalamiga ah ee magaca dowladda kusoo dhaca aysan soo dhaafin magalada Muqdisho oo fadhi u ah DF.
Farolena waxa uu dowladda Xasan Shiikh ku xiray ilaa dib loosoo celiyo dastuurkii lagu wada heshiiyay inuusan jiri doonin wax wada shaqayn ama xiriir ah,madaxwaynaha cusub ee Pl Gaas waxa uu ahaa Odaygii laf dhabarka u ahaa hirgalinta dowladda federaalka iyo meel marinta ansixinta dastuurka wax badana wuu kala socdaa,siday aaminsan yihiin dadka u guur gala siyaasadda Puntland Dr.Gaas awood badan ayuu u lee yahay inuu dib u hagaajiyo wada shaqayntii u dhaxaysay DFS iyo Puntland.
Wada shaqaynta Galmudug iyo Puntlnad.
Madaxwaynaha dowladda Puntland Cabdiwali Maxmaed Cali ayaa sheegay mudada uu xafiiska madaxtooyadda jooga inuu xooga saari doono sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta Puntland iyo Galmudug,isla markasna loogu wada noolaan lahaa si wanaagsan oo deganasho ku jirto,Galmudug iyo Puntland ayaa dhowr jeer oo hore waxaa soo kala dhex galay mugdi,waxana laga yaabaa inay dhamaato dhamaan arrimaha keeni kara isku dhacyada,tusaale ahaan markii la doortay Cabdiwali Maxmed Cali Galmudug waxaa lagu qabtay damaashaadyo lagu soo dhawaynayo Gaas.
Dhismaha xukumadd cusub.
Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo xiligii uu ra’iisulwasaaraha ahaa soo dhisay xukumadda uu ugu magac daray bad baado qaran,ayaa hadana dadku waxay isha ku hayaan sida ay noqon doonto gollaha wasiiradda ee laga dhowrayo malmaha soo socda.iyadoona xukuumaddii ka horaysay ay hirgalisay wasaarada aad u tiro badan,waxayna dadku is-waydiinayaan tiro intee leeg oo wasaaradood ayuu ku dhawaaqi doonaa iyo wasiiro iyo ku xigeenadooda.

 

 

Sidoo kale waxa uu sheegay dowladdiisa inay xooga saari doonta hirgalinta nidaamka xisbiyadda badan oo dowladdii hore ka istaagay,waana barnaamijka kaliya ee ay dadku u hamuum qabaan in la dhaqan galiyo,si looga gudbo marxaladda qabiilka oo mudo 15-sano ah lagu soo dhaqmayay.
Waxaa kaloo xusid mudan inuu maaxwayne Gaas sheegay haweenka doorka ay lee yihiin inay heli doonan,ayna mudnaan gaar ah dowladda ku heli doonaan.
Madaxwaynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale tilmaamay shaqo abuurka dhalinyaradda iyo sidii looga jihayn lahaa falalka burcad badeedka inuu xooga saari doono ,si loo helo jiil cusub oo mustaqbalka dhow badala jiilashiisa hore.
Dhamaan dadkii barnaamijkan BBC ee galabta Jimcadda soo gala ka qayb galay iyo kuwii kale ee la dhafiyay ayaa soo dhaweeyay madaxwaynaha cusub,waxayna muujiyeen inuu karti u lee yahay inuu waxqabto si la mid ah waagii uu Ra’iisulwasaraha ahaa.
Haddaba halkan hoose ka dhagayso Barnaamijkii galabta ka baxay BBC oo dhan.

 

 

Cali Cabdi Ducaale
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>