Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Garowe:Kulan lagu sogootinayay Olalaha Cali Xaaji Warsame oo Garowe lagu qabtay (Sawirro&dhagaysi)

$
0
0

Garowe(pp) Munaasibad lagu sagootinayo olalihii uu waday Siyaasi Cali Xaaji Warsame ee doorashada madaxtinimadda Puntland ayaa maantey lagu qabtay hoolka shirarka hay’adda PDRC ee magalada Garowe,waxana kasoo qayb galay kulankaasi waxgarad taageersan siyaasadda Cali Xaaji,culimo.dhalinyaro,haween iyo ragg siyaasiyiin ah oo isku soo taagay xilka madaxtinimadda Puntland.

6Waxaa kulanka laga soo jeediyay khudbad xanbaarsan dhiirigalin iyo in Cali Xaaji Warsame uusan ka dhex bixin arrimaha siyaasada maadama uu guul ballaaran ka gaaray Puntland inay is-badal u talowdo si loo helo mamul suuban oo dadka wada gaarsiiya sinaan cadaalad iyo wax wada qabsi.

11Siyaasi Cabdilaahi Maxamed Barre oo ka mid ahaa raggii udub dhexaadka u ahaa siyaasada iyo olalaha murashax Cali Xaaji ayaa sheegay inay muhiim tahay helitaanka is-badal ay la jaan qaadaan shacabka Puntland,wuxuna Cali Xaaji ku ammaanay inuu yahay geesi ka dhabeeyay in mar qura Puntland ay ka dilaacdo qoraxda is-badalka iyo taabo galinta arrintaasi.

16Cabdirisaaq Godane oo ka mid ahaa raggii isku soo taagay xilka madaxwayne ku xigeenka Puntland ayaa ammaanay sida wanaagsan ee Cali Xaaji Warsame ugu muujiyay olalihiisa geesinimo iyo dul-qaad,wuxuna ku tilmaamay inuu ahaa murashaxii sida wayn looga ammaan iyo nabadgalay.

17Suldaan Axmed Bashiir Ducaale oo ka mid ahaa Odayaasha dhaqanka Puntland ayaa boggaadiyay sida hufan ee Olalaha Cali Xaaji Warsame usoo dhamaaday,wuxuna sheegay inay Puntland u baahan tahay shaqsi Cali Xaaji oo kale ah.

10Ayaan Ladane Saalax Dayr oo ka mid ahayn haweenkii sida wayn ugu lugta lahaa olalaha Cali Xaaji Warsame balse howlo caafimaad ugu maqan wadanka Canadda ayaa khadka taleefoonka munaasibadaan uga qayb gashay,waxayna qirtay Cali Xaaji Warsame inuu guulaystay,Puntlandna uu ka taabo galiyay nidaamka isbadalka iyo in shacabku ay u baahan yihiin in mamul waji cusub leh uu yimaado.

19Gudoomiyaha rugta ganacasiga Puntland Mudane Siciid Xuseen Ciid,Yusuf Jaamac Dagal iyo Cabdilaahi Ciid oo afka madaxwayne Gaas ku hadlayay ayaa soo jeediyay kalmado si qoto dheer uga hadlaya guusha uu siyaasada iyo gala guurka Puntland ka gaaray Cali Xaaji Warsame.

12Munaasibada oo socotay mudo ku dhow labo saac ayaa ugu danbayntii waxaa ka hadlay Siyaasi Cali Xaaji Warsame oo dhamaan dadkii kulanka kasoo qayb galay uga mahad celiyay sida wanaagsan ee ay usoo ajiibeen codsigiisa,wuxuna ku dheeraaday ahmiyada uu u lahaa inuu ka qayb galo doorashada madaxtinimadda Puntland,wuxuna sheegay inuu ku guulaystay in Puntland ay ka hirgasho is-badalkii uu isaga iyo murashaxiinta kale ku taabayeen.

4Waxa uu u mahad celiyay dhamaan shacabkii ka qayb galay olalihiisa oo kala jooga dalka iyo dibadiisa,wuxuu kaloo sheegay in looga baahan yahay madaxwaynaha cusub ee Puntland iyo ku xigeenkiisa inay oofiyaan balan qaadka ay sameeyeen.

21Cali Xaaji Warsame ayaa taageerayaashiisa u sheegay inuusan ka dhex bixi doonin siyaasada,iyadoona ay soo baxayso warar la xariira inuu wasiir ka noqon doono gollaha wasiiradda ee uusoo dhisayo madaxwayne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

5Olalaha Cali Xaaji Warsame ayaa kasoo bilowday magalada Gaalkacto taariikhdu markay ahay 12-ka bishi October,kaasoo markii danbe dhamaan ku baahay deegaanadda Puntland.

Halkan ka dhagayso Khudbad uu Cali Xaaji kulanka ka jeediyay

 

20 18 15 14 13 12 8 7 3 2 6

Cali Cabdi Ducaale
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>