Garowe(pp) Madaxwaynaha dowladda Puntland Prof.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo maantey khudbad ka jeediyay munaasibad ay xilalka kula kala wareegayeen gudoomiyihii hore ee baarlamanka iyo kan cusub,ayaa sheegay inay muhiim tahay shanta sano ee soo socota in howsha si wada jir ah loo wada qabto.
Waxa uu sheegay madaxwayne Gaas inay sugayso howlo tiro badan oo u baahan karti iyo in la isla kaashado,wuxuna baarlamanka ka codsaday inay si ballaaran uga shaqeeyaan howlaha horyaala si loo wada guulaysto,wuxuna sheegay haddii uu guulayso inay la guulaysteen baarlamaanka.
Soo magacaabista gollaha wasiiradda ayuu sheegay Mudane Gaas inuu talo galyo ka siin doono gollaha baarlamanka si loo helo golle tayo iyo karti u leh howlaha loo igmaday,wuxuna sheegay inay muhuum tahay in meesha laga saaro qabiilka balse loo baahan yahay waxqabad muuqda.
Xildhibaanadii geeriyooday qoysaskooda ayuu sheegay inay lagama maarmaan tahay in laga warqabo,maadama ay yihiin xildhibaano qaaday masuuliyadda umad tiro badan oo ku nool deegaanadda Puntland.
Gudoomiyihii hore ee baarlamaanka ayuu ku ammaanay howlaha culus ee uu soo qabtay.
Cali Cabdi Ducaale
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe