Kismaayo(pp) Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga mamulka KMG ah ee Jubba Gen.Maxamed Warsame Darwiish ayaa ammaanay habkii ay u dhacday doorashadii madaxtinimadda Puntland 8-Janaayo,taasoo uu ku tilmaamay inay ahayd mid ku dayasho mudan.
Waraysi Wasiirka arrimaha guddaha iyo amniga maamulka Jubba Maxamed Warsame Darwiish Waxa uu madaxwaynihii hore ee Puntland Mudane Cabdi-Raxmaan Shiikh Maxamed Farole ku tilmaamay shaqsi geesi ah qayb waynna ku lahaa dhismaha mamulka Jubba ee hadda shaqeeya,wuxuna sheegay madaxwaynaha cusub ee hadda xilka qabtay inay ka filayaan si kasii wanaagsan madaxwaynihii hore.
Xaalada magalada Kismaayo ,la-dagalanka kooxda Shabab iyo waxyaabihii u qabsoomay mudada ay jiraan mamulka Jubba ayaa ku waramay Gen.Darwiish,wuxuna tilmaamay inay ku hanwayn yihiin inay gobalada kale ka sifeeyaan kooxda Shabab.
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe