Zurich(pp)Weerayahanka kooxda Real Madrid iyo xulka qaranka Portugal Cristiano Ronaldo ayaa loo magacaabay ciyaaryahanka ugu wanaagsan aduunka ee Fifa Ballon d’Or.
Ronaldo ayaa waxaa abaalmarintan kula tartamayay weeraryahanka kooxda Barcelona Lionel Messi iyo ciyaaryahanka garabka uga ciyaara kooxda Bayern Muncih Frank Ribery.
Ciyaaryahan Ronaldo ayaa 66 gool dhaliyay 56 kulan oo uu ciyaaray sanadkii la soo dhaafay 2013,waxana uu xulkiisa Portugal u dhaliyay 47 gool 109 kuan oo uu u ciyaaray.
Ciyaaryahan Cristiano Ronaldo ayaa ilimeeyay markii la gudoonsiiyay abaalmarinta,waxana uu u mahad celiyay qoyskiisa,ciyaartooyda kooxdiisa,iyo maamulka kooxdiisa.
Abaal marinta ciyaaryahanka ugu wanaagsan aduunka ee Fifa Ballon d’Or ayaa waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku guuleysanayay ciyaaryahan Lionel Messi.
Abaal marinada kale ee la bixiyay ayaa waxaa ka mid ahaa
FIFA Women’s World Player of the Year: Nadine Angerer
FIFA Men’s Football Coach of the Year: Jupp Heynckes
FIFA Women’s Football Coach of the Year: Silvia Neid
FIFA Presidential Award: Jacque Rogge
FIFA Fair Play Award: Afghanistan Football Federation
FIFA Puskas Award: Zlatan Ibrahimovic – Sweden v England
Ballon d’Or Prix d’Honneur: Pele
FIFA/FIFPro World XI:
Goalkeeper: Manuel Neuer – Bayern Munich
Defender: Philipp Lahm – Bayern Munich
Defender: Sergio Ramos – Real Madrid
Defender: Thiago Silva – PSG
Defender: Dani Alves – FC Barcelona
Midfielder: Andres Iniesta – FC Barcelona
Midfielder: Xavi Hernandez – FC Barcelona
Midfielder: Franck Ribery – Bayern Munich
Forward: Cristiano Ronaldo – Real Madrd
Forward: Zlatan Ibrahimovic – PSG
Forward: Lionel Messi – FC Barcelona