Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Muqdisho:Madaxwaynaha oo ka gudoomay warqadaha aqoonsiga safiirka Faransiiska ee Somalia(Sawirro)

$
0
0

Muqdisho(pp)Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay danjiraha ay dowladda Faransiisku u soo magacowday waddankan Soomaaliya.

Danjire Rémi Maréchaux iyo madaxweynaha ayaa ku kulmay xarunta mdaxtooyada Qaranka. Sii-hayaha wasaaradda arrimaha dibadda Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo kulankaan ka qeyb gashay ayaa soo dhaweysay xiriirka wanaagsan ee Soomaaliya iyo Faransiiska u dhaxeeya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in tallaabada ay dowladda Farance iyo dowladaha kale ee caalamku ay danjireyaal ugu soo dirsadeen Soomaaliya ay daliil u tahay horumarka laga gaaray nabadeynta iyo dowladnimada Soomaaliya. Isagoo soo dhaweeyay xiriirka wanaagsan ee labada dowladood.

Wuxuu danjiraha u sheegay madaxweynuhu in Soomaaliya ay soo dhaweynayso in Faransiisku ay maalgashadaan arrimaha Tamarta iyo dhinacyada kale ee ay xiiseynayaan. Sidoo kale wuxuu soo dhaweeyay tallabo kasto oo ay ku caawinayaan dib u dhiska waddanka Soomaaliya.

Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>