Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Garowe:Madaxwayne Gaas”Waxan u baahan nahay dowlad dadka u eg”(Dhagayso)

$
0
0

Garowe(pp) Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali(Gaas) oo maantey ka qayb galay dood cilmiyeed ay soo qaban qaabisay Hay’adda PDRC,loogana hadlayay waxyaabaha looga baahan yahay dowlada cusub ayaa si qoto dheer u faah faahiyay bartilmaameedkiisa iyo sida uu dadkiisa ugu shaqayn doono.

35Arriamaha ugu miisaanka culus ee uu madaxwayne Gaas sheegay in wax laga qaban doono ayuu ku sheegay inay tahay cadaalad baahsan oo ay dhamaan wada helaan dadka ku nool deegaamada Puntland,mamul tayo iyo karti u leh gaarsiinta shacabka addeeg hufan oo taam ah iyo waliba in la hagaajiyo barnaamijyada hormaka.

Mudane Gaas ayaa sidoo kale farta ku fiiqay inay lama huraan tahay talada shacabka si loo helo mamul ay dhamaan dadku ku wada qanacsan yihiin,wuxuna sheegay xukumadda uu soo dhisi doono inuu ku salayn doono hadba shacabku siday u doonayaan gollaha wasiirada dhanka tirada,balse waxa uu sheegay inuu jeclaan lahaa in la helo xukumad kooban oo waxqabad la timaada.

La-dagalanka musuqmaasuqa ayuu sheegay Dr.Gaas inay muhiim tahay,wuxuna sheegay inay sidoo kale lagama maarmaar ay tahay in la kobciyo dhaqaalaha,si howsha dowladdu ay u socoto,wuxuna balan qaaday inuu dhamaan wax badan ka qaban doono baahiyaha ay shacabka Puntland muujiyeen.

Khudbada madaxwaynaha dowlada Puntland uu maantey ka jeediyay dood cilmiyeed looga arrinsanayay dowladda ayaa waxay socotay mudo ku dhow 20-daqiiqo waxana laga dheehanayay in uu ku rajo wayn yahay mudada uu xafiiska jooga inuu qabto waxqabad taariikhi ah oo dowaddiisa lagu soo xasuusan doono.

Habada halkan ka dhagayso Khudbadii Madaxwayne Gaas oo dhamaystiran.

 

Cali Cabdi Ducaale
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>