Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Garowe:Madaxda Pl oo ka qayb galaysa xoolo qayb lagu samaynayo Tuulada Qarxis

$
0
0

Garowe(pp) Guddiga culimadda ee taakulaynta qoysaskii ku cayroobay roobabkii duufaanta watay ee ka da’ay deegaano ka tirsan Gobalka Nugaal ayaa qaban qaabinayo kulan ballaaran oo qoysaskaasi loogu qaybinayo xoolo aad u faro badan.

Xoolo
Waxana lagu wadaa kulan maalinta barito ah ka dhici doono tuulada Qarxis oo xudun looga dhigay xarunta lagu qaybinayo xoolaha inay ka qayb gallaan madaxda Puntland iyo kuwii hore,waxana qoysaska cayroobay la gudoon siin doonaa xoolo aad u faro badan oo dadka Soomaaliyeed ay culimada soo gaarsiiyeen kuwaasoo xoolo nool iyo lacag-ba iskugu jirtay.
Inkastoo aan si rasmiya loo xaqiijin karin hadana guddiga gurmadka ee dowladda ayaa sheegaya inay bari ka qayb gali doonaan xooli bixinta.

 
Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo guddiga culimada madax ah ayaa sheegay 16-ka bishaan oo maantey ku beegan inay bixin doonaan xoolo lasoo gaarsiiyay.

 
Saxaafada soo tabin doono kulankaasi ayaa isla galabta ka anbo baxaya magalada Garowe xarunta Dowladda Puntland.

 
Wixii kusoo kordha kala socda Puntlandpost.com

 
Cali Cabdi Ducaale
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>