Istanbul(pp) Waxaa maanta magalada Istanbuul ee dalka Turkiga ka furmay wada hadalkii u socday dowlada Somalia iyo mamulka Somaliland.
Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Maxamed Biici Yoonis oo markii ugu horaysay horkacaya wafdiga ka socda mamulkiisa ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin wada hadalka ay Dowladda Somalia la galleen,wuxuna cadeeyay inaan marnaba laga hadli karin gooni isu taaga Somalia,ayna muhiim tahay wada hadalada socda inay ku eg yihiin walaltinimo iyo in sidii labo dowladood loo wada shaqeeyo.
Wasiirkan ka socda dhanka Somaliland ayaa sheegay inuusan waxba ka qabsoomin qaar ka mid ah qodobadii kasoo baxay shirkan kii ka horeyay ee ka dhacay Turkiga,wuxuna Biixi Yoonis uu sheegay inay aad u jecel yihiin in wax laga qabto arrinka mamulka cirka oo wali aan xal waara laga soo saarin.
Wafdiga dowladda Somalia ka socda waxaa hoggaaminaya wasiirkii arrimaha gudaha iyo amniga,Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed wuxuna sheegay wada hadalka u dhaxeeya labada dhinac inuusan ahayn mid maalin iyo laba maalmood toona lagu dhamayn karin,balse loo baahan yahay in waqti la siiyo.
Cabdikariin Xuseen ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay kulamada labada dhinac u socda haddii xal laga gaaro uu noqon doono mid taariikhda gala,dadka Soomaaliyeedna ay ku wada qanci doonaan,wuxuna ugu danbayntii sheegay inay dib u eegis ku samayn doonan heshiisyadii hore wixii ka fulay iyo kuwo aan waxba laga qaban.
Kulankan saakay ka furmay Istanbuul waxaa daah furay Safiirka Turkiga ee Somalia Dr.Kaani Turan,wuxuna sheegay dowladda Turkiga ay howshaan labada dhinac u fududeeyeen,balse go’aanka ugu danbeeya iyo heshiiska laga sugayo DFS iyo mamulka Somalia.
Si kastaba kulankaan ayaa waxa uu yahay mid laga sugayo rajo wanaagsan,walow dhanka Somaliland ay wali ku dhagan yihiin inay yihiin dowlad ka madax banaan Somalia inteeda,taasna lagu ixtiraamo.
Cali Cabdi Ducaale
Puntlandpost.com