Garowe(pp)Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) ayaa sheegay in wali looga fadhiyo halkii Malyan ee ay dowladda dhexe ugu deeqday qoysaska ku cayroobay duufaantii ka dhacday deegaano ka tirsan Puntland.
Gaas ayaa hadalkan ka sheegay maantey munaasibad xoolo gaaraya 11-kun oo neef oo ari ah loogu qaybiyay duleedka tuulada qarxis ee degmada Eyl,wuxuna sheegay inay kula xisaab tami doonaan madaxda dowladda dhexe halka malyan ee ay u balan qaadeen qoysaska cayroobay,wuxuna sheegay wixii la balan qaaday inay maantey u baahan yihiin dadka cayroobay.
Shiikh Daahir Ow-Cabdi oo ka mid ahaa culimadii xoolo qaybinta ka hadlay ayaa sheegay inay wali ka dhowrayaan dowladda dhexe ee Somalia lacagtii ay ugu deeqeen qoysaska cayroobay,wuxuna mar labaad ku celiyay inay muhiim tahay in arrintaasi laga dhabeeyo.
Horay Gobalka Banaadir waxaa laga soo diray deeq lacageed oo gaaraysa $200.000,taasoo mamulka Banaadir uu kasoo aruuriyay shacabka iyo mamulada degmooyinka.
Cali Cabdi Ducale
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe