Kabul(pp) Qarax uu sameeyay qof isi soo miidaamiyay oo ka dhacay magalo madaxda Afghanistan ayaa waxaa ku naf waayay labaatan qof oo badankood dalalka Yurub ka kala yimi,wuxuna ka dhacay goob maqaayad ah oo ku taala meelaha ugu qaalisan magaladaasi.
Dadka qaraxan ku dhintay waxaa ka mid ah afar qof uu shaqaynayay QM iyo mulkiilihii lahaa maqaayada,waxana arrintaasi canbaareeyay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.
Banki Moon,waxa uu sheegay inay aad uga xun yihiin falkaan Kabul ka dhacay,wuxuna sheegay inaan loo dulqaadan karin dhibaataynta dadka aan waxba galabsan,sharciga bini’aadanimada caalamiga ahna wuu ka hor imaanayaa ayuu yiri.
Caalamka ayaa laga soo diray dhaleecayn ku aadan qaraxa ka dhacay Kabul ee galaaftay nolashada dad badan.
Ururka Talibaan ee ka dagaalama Afghanistan ayaa sheegay inay ka danbeeyeen werarka lagu qaaday maqaayada oo xiligaasi ahayd mid mashquulsan,qofka naftiisa haligay ayaa soo istaagay irada hore ee maqaayada.
Waxaa ka dib qaraxa la maqlayay rasaas badan oo ay ridayeen labo nin oo hubaysan,ciidamo ayaa goobta tagay, iyo dad kale.
Cali Cabdi Ducaale
Puntlandpost.com