Garowe(pp) Maanta magalada Garowe xarunta dowladda Puntland waxaa soo gaaray wafdi uu hoggaaminayo xiriiriyaha Umadaha Midoobay u qaabilsan arrimaha bini’aadannimada Somalia.
Philippe lazzarini iyo masuuliyiintii la socday waxay xarunta madaxtooyadda kulan gaar ah kula qaateen madaxwayne Gaas iyo qaar ka mid ah wasiiraddii xukumadii Farole,waxana laga hada hadlay wada shaqaynta dowladda cusub,QM iyo dalalka dhaqaalaha siiya Somalia.
Inkastoo kulankaasi aan tafaashiil dheeri ah laga hayn hadana nuxurka ayaa lagu tilmaamay inuu yahay adkaynta wada shaqayntii ay Puntland la lahayd QM iyo kooxaha dhaqaalaha bixiya.
Lazzirini ayaa caawa ku hoyanaya magalada Garowe,wuxuna maalinka barito ah la kulmayaa wasaradaha dowlada iyo gollaha baarlamaanka,waxana laga wada hadli doonaa arrimaha hormarka iyo is-badalka Puntland ku yimi.
Waa wafdigii ugu horeeyay oo ka socda QM oo kulan la qaatay madaxwaynaha cusub ee dowladda Puntland,Dr.Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas),waxayna tani cadayn u tahay sida ay beesha caalamku u xiisaynayaan wada shaqaynta Puntland.
Doorashadii 8-da Janaayo ka dhacday Puntland ayaa dunidu way ku tilmaamtay mid taariikhi ah oo aan Puntland soo marin.
Cali Cabdi Ducaale
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe