Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

C/kariin”Ujaadada wada hadalku waa in lasoo celiyaa walaalaheena Somaliland laguna soo daraa xeendaabka dowladda”Waraysi

$
0
0

Istanbuul(pp) Wasiirka amniga qaranka dowladda Somalia Cabdikariin Xuseen Guuleed oo hoggaaminaya garabka dowlada wada hadalka ka socda Turkiga u matalaya,ayaa waraysi uu heshiiska soo baxay ka dib bixiyay ku sheegay ahmiyada ugu ballaaran ay tahay sidii dib loogu soo celin lahaa Somaliland oo mudo 23-sano ah sheegtay inay yihiin mamul ka madax banaan Somalia inteeda kale.

CabdikariinCabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay inay muhiim tahay in midnimadda dadka Soomaaliyeed laga wada hadlo oo wixii dhaawaca u keeni karana laga fogaado,wada hadalka kusoo dhamaaday Turkiga ee u dhaxeeya DFS iyo Somaliland ayaa lagu soo hadal qaaday midnimada Somalia,balse si faah faahsan loogama hadlin.

Sagaashan cisho ka dib ayaa wada hadal kanoo kale ah waxa uu ka dhacayaa isla Turkiga,balse dhamaan wada hadaladaasi ayaa u eg ”jug jug meeshaada joog” maadama ay Somaliland sheegtay inaysan marnaba kasoo noqon doonin gooni isu taaga ay sheegteen.

Hoos ka dhagayso Waraysiga uu wasiir Cabdikariin siiyay VOA.

 

Halkan hoosena ka dhagayso Wasiir arrimo dibadeed Biixi.

Cali Cabdi Ducale
Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles