Muqdisho(pp) fadhiga baarlamaanka dowladda Somalia ayaa maanta la hor keenay barnaamijka shaqo ee xukumadda uu hoggaaminayo Ra’iisulwasare Cabdiwali Shiikh Axmed iyo waliba xogta wasiiradda uu soo magacaabay.
Xildhibaanada baarlamaanka ayaa qorshaha xukumadda oo ka kooban 15-bog haysan doona 24-ka saac ee soo socota,wixii ka danbeeyana dood ayay ka galayaan.
Qorshahaan waxyaabaha uu diiradda saarayo waxaa ka mid ah ,Ammaanka,barnaamijka xasilinta,abuuritaanka siyaasad loo dhan yahay,xoojinta diinta,dhisida awood,dhaqaalaha barnaamijka hormarinta deegaanka iyo kuwo kale ee caruurta iyo haweenka.
Afhayeenka baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari ayaa xildhibaanada u sheegay in maalinta barito ah laga doodi doona.
Gollaha xeer dajinta ayaa lagu wadaa maalinta Arbacada inay codka kalsoonida u qaadaan wasiiradda uu soo magacaabay Cabdiwali Shiikh Axmed.
Qaar ka mid ah wasiiradaan ayaa xildhibaano ah,waxana jira kala aragti duwanaan baarlamaanka ay ka qabaan wasiiradaan oo 55-ka gaaraya.
Cali Cabdi Ducaale
Puntlandpost.com