Kismaayo(pp) Goor dhow ayaa lagu wadaa in lasoo gabo-gabeeyo xaflada caleemo saarka madaxda KMG ah ee mamulka Jubba,waxana munasibada ka qayb galay wafuud ka kala socda QM.Midowga Africa,IGAD,Itoobiya,Kenya,DFS iyo Puntland.
Madaxda la caleemo saarayo ayaa khudbado kala duwan goobta kasoo jeediyay,kuwaasoo ka warayay hirgalinta mamulka iyo marxaladihii laga soo maray.
Ergayga gaarka ah QM ee Somalia u qaabilsan Nichalos Kay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay mamulka Jubba,wuxuna ku tilmaamay inay qayb ka tahay nidaamka federaalka oo dalka la doonayo in laga hirgaliyo.
Masuuliyiintii kale ee xaflada kasoo qayb galay ayaa boggaadiyay madaxda cusub ee Jubba,waxayna sheegeen inay la shaqayn doonaan inta kalaankooda ah.
Munaasibadda khudbadaha laga jeediyay Sawiro goor dhow naga fisha.
Puntlandpost.com
Xafiiska Kismaayo