Aarhus: (pp)- Waxaa maantay Magaalada Aarhus ee Dalka Danmark Shir jaraaid ku qabtay Ururka Jubaland relief and Development Organization iyo jaaliyadda jubooyinka.
Xukuumadda Soomaaliya waxay ku shisan tahay laguna doortay oo lagu dhaariyay nidaamka fedaralka ah taas oo micnaheedu yahay in labo gobol iyo wixii ka badan samaysan karaan maamul ay iyagu leeyihiin. Waxa kale oo xasuus mudan in lixda bilood oo ay xukuumadani dhisan tahay ay mashquul ku noqotay Jubooyinka, waxaa kale oo wax lala yaabo ah in aad moodo in aysan meel aan Baraadir ahayn aan xilka sarnayn xaga amnida iyo dhanka horumarinta dalka.
Waxaan si kalsooni leh u soo dhawaynaynaa una taageeraynaa maamulka jubooyinka. Waxaan si cad oo cod dheer ah u leenahay in cadaalada dalka iyo dadka la ilaaliyo in si siman dalka loo gaarsiiyo horumarka iyo mashaariicada lagu helo magaca qaranka Soomaaliyeed, dalku in uusan noqon hal magaalo,in kitaabkii lagu dhaartay laga run sheego. Ummadda Soomaaliyeed la ilaaliyo midnimadeeda qaranimadeeda.
Waxaan sidoo kale salaan sharaf iyo duco u diraynaa ciidadmada amniga ummadda jubooyinka maamulka KMG ah u soo dhabar adaygay hawshii adkayd ee ay soo mareen oo dhimayo dhaawac, iyo baahiba lahayd.
Gabagabo Ururka Jubland relief and development Oraganization iyo jaaliyada Jubooyinka waxay shirka ugu baaqayan cadaaadad,midnimo,
Guddiga Maxamed Bshiir Maxamed, Amoon, Said Awil Abdi Ade Gaboobe Ali.