Faallo: (pp)- Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xassan Sheikh wuxuu dalka uga maqan yahay Safarkii 17 aad kadib doorashadiisii muddo laga joogo 6 bilood kahor.
Madaxweynuhu wuxuu booqday waddamo fara badan asagoo sheegay in wax weyn uu ka qabtay siyaasadda Dibedda ee Dalka., Siyaasiyiinta heer caalami waxay yiraahdaan: “Siyaasadda dibeddu waa qeyb ka mid ah Siyaasadda Gudaha”.
“Good Foreign Policy is the extension of Good Interior Policy”
Hadaba Su’aashu waa, Dowladda Soomaaliya ma u soo bandhigtay Shacabka Soomaaliyeed Siyaasad wanaagsan oo dalka lagu dhaqo mid amni, mid dhaqaale iyo mid arrimo bulsho.
Siyaasadda Gudaha iyo Xiriir Xumada jirta:
Runtii rajo weyn ayey shacabka Soomaaliyeed u muujiyeen Dowladda Cusub, ayagoo ka dhursugayey in ay wax badan ka qabato arrimaha murugsan ee dalka ka jira.
Maxaa qabsoomay?
1. Somaliland:
Xiriirka Dowladda Dhexe ee Federaalka iyo Somaliland u dhexeeya ayaa todobaadadii la soo dhaafay aad u xumaaday. Dowladda Somaliland ayaa si cad uga hor timid in ay ka qeyb gasho shirarka siyaasadeed ee socda. Waxaan ognahay in Somaliland ay si buuxda uga qeyb gashay Shirkii London Feb 23, 2012, Dowladii Madaxweyne Sheikh Sharif. Ayna ogolaatay wada xaajood joogto ah. Xiriir xumada cusub ayaa loo saarayaa siyaasad xumida Dowladda Madaxweyne Hassan Sheikh.
2. Puntland:
Puntland waxay qeyb weyn ka soo qaadatay is beddelka siyaasadeed ee dalka ka hir galaya ha ahaato Dastuur cusub iyo doorashooyin. Wakhtigii Dowladdii Sheikh Sharif Sh Ahmed, xiriirka Puntland, walow uu bilowgii hore liitay, haddana wakhtigii dambe aad ayuu sare ugu kacay. Madaxweyne Sheikh Sharif wuxuu booqday tiro ka saddex ah. Inkastoo dhowaan uu booqday Raysal Wasaare Abdi Farah Shirdoon, haddana waxaa cadaatay in heshiiskii uu ka hor yimid Madaxweyne Hassan Sheikh uuna diiday in laga ansixiyo golaha Wasiirada si loo aqoonsado heshiiskaas, waa nasiib darro.
3. Galmudug:
Maamulka Galmudugh wuxuu si wanaagsan u taageeray Dowladda dhexe iyo hogaankeeda. Galmudugh waxay filaysay in dhinaceeda la taageero dhinacyo fara badan. Nasiib darro, Raysal Wasaare Saacid asagoo fulinaya talada Madaxweynaha waa siduu hadalka u dhigaye wuxuu halkaas kaga yimid is afgaranwaa iyo shaki inuu soo kala dhex galo Dowladii Dhexe iyo Maamulkii Galmudugh oo wada shaqeyntii hakad galo.
4. Bay/Bakool:
Maamulada Gobolada ka jira oo ah kuwa la soo doortay ayaa si taxdar iyo xushmo darro ah waxaa u dhex galay Dowladdii dhexe. Waxay sababtay is afagarnwaa siyaasadeed taas oo abuurtay colaad iyo tartan madaxnimo; halkii amniga laga shaqeyn lahaa. Dowladda Ethiopia oo ka carootay in Dowladda Dhexe la socod siin is beddelka maamulada lagu sameynayo ayaa ka baxday degaamada qaar ka mid ah. Alshabab ayaa ka faaiideystay siyaasad xumida Dowladda Dhexe dibna u qabsaday degaamo amni ka jiray; halkaas oo ay ku dileen culimo, madax dhaqameed iyo dhalinyaro Soomaaliyeed.
5. Shabeelada Hoose / Marka:
Magaalada Marka ayaa amnigeedu hagaagsanaa tan iyo markii Alshabab laga xoreeyey. Dowladda Dhexe ayaa waxba ka qaban weyday cabashadii shacabka ay ka sheeganayeen Meeleshiyo Beeleed dhib ku haysay. Maamulka iyo Shacabka oo u adkaysan waayey Meleeshiyada beelaha ayaa dagaal ku qaaday si ay uga xoroobaan dhibaatada loo geysanayo. Gobolka Shabeelada Hoose, gaar ahaan Marka, waxaa maanta ka scoda dagaal eheli ah (Civil War) oo haddii aan deg deg loo joojin laga yaabo inuu ku fido Muqdisho iyo Gobolka Bay.
6. Muqdisho:
Magaaladii ahaan jirtay Caasumadda Soomaaliya waxay noqotay Magaalo Maamulkeedu gacanta ugu jirto kooxo shaati qabiil huwan. Madaxda Degmooyinku waxay qeyb ka yihiin dhibaatada amni ee Magaalada ka jirto. Dowladda Dhexe ee laga filayey mar haddii Shabab la jebiyey in ay wax ka qabato amni darrada iyo fowadada ayaa ku mashquushay Gobolo fog fog. Taasi waxay sababtay in Amnigii Caasumaddu faraha ka baxo. Todobaadadii la soo dhaafay, Magaalada waxaa ka bilowday in habeen walba dariiqyada laga helo dad dhalinyaro ah oo la gowracay. Waxaa soo laabtay qaraxyo lala beegsanyo Madaxda amniga ee Dowladda sida qaraxii Theatherka. Amni darradan ayaa salka ku haysa Qabiileysi, Cadaalad Darro iyo Musuq Maasuq ka jira Hay’adaha Amniga dhexdooda iyo Kalsoonidii Shacabka oo sii dhumaysa.
7. Jubbaland:
Maamul sameynta Gobolada Jubooyinka iyo Gobol kastaba waxaa qeexaya Dastuurka Federaalka ah. Dowladda Dhexe waxay leedahay door weyn, Shacabku waxay leeyihiin in ay doortaan Madaxdooda. Waa nasiib darro weyn, in Shacabkii ay kalsooni ku qabi waayaan Dowladoodii kadib hadalo is dhaaf ah oo ka kala yimid Madaxda Dalka soona if baxayey muddo bilo ka badan. Ceebta iyo Guul darada ugu weyn waxay maanta soo gaartay Raysal Wasaarihii Dowladda Dhexe kadib markii uu ku guul dareystay inuu xal la gaaro Shacabka iyo Madaxda Gobolada Jubooyinka. Raysal Wasaare Saacid ayaa ka baaqsaday inuu booqdo xaruntii Shirka Jubooyinka oo ay fadhiyaan 500 qof oo Soomaali ah. Waa nasiib darro iyo Siyaasad xumi midii ugu weyneyd ee ka dhici kartay qof Siyaasi ah.
Ururin:
Haddii Xukuumadii ay dalkii uu galisay ama ka saari weydey Mugdi siyaasadeed oo la filayey in laga raysto. Waxaa haboon in la is weydiiyo xagee Sartu ka Qurun tay? BAARLAMANKA ayaa la oran karaa ayaa shaqadii gabay. Xildhibaanada qaar ayaa ku doodaya in Guddiyo laga dhex sameeyey Baarlamankii oo Guddiga qur ah ay kulmaan. Waa ayaan darro.
Madaxweynihii iyo Xafiiskiisii waxay ku mashquuleen Aqoonsi dibadeed iyo Dhaqaale baadi goob. Agaasimaha Xafiiska Madaxweynaha ayaa dhowaan sheegay: In Madaxweynaha ay muhiim u tahay siyaasadda Dibedda. Tan dalku waxay hagaagi markii aan hagaajino Siyaasadda Dibedda. Waa oraah ku timid Khibrad la’aan. Sidoo kale Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada ayaa la dhaqaaqay Shaqadii Wasaaradihii ugu muhiimsanaa Dalka. Xildhibaan Faarax Cabdulkadir ayey ka go’aan wixii howl ah ee loo baahan yahay in la qabto.
Su’aal:
Haddii Madaxweynihii ku mashquulay Shaqadii Fulinta?
Haddii Baarlamankii Guddiyo laga soo reebtay?
Haddii Raysal Wasaarihii fashilmay Shaqo iyo Karaamo intaba?
Soomaalaay maxaa xal ah?