Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

SONPPCAN oo Barnaamij Bar-baarinta ku saabsan u qabatay Qoysaska Soomaaliyeed ee Holland ku dhaqan (Sawirro)‏‎

$
0
0

Barnaamij loogu Magac-daray (Bar-baarin) oo loogu hadlayay wanaajinta korinta caruurta iyo arrimaha waxbarashada, isla markaana ay soo qaban qaabisay Hey’adda Soomaaliyeed ee u dooda xaquuqda caruurta ee SONPPCAN, ujeedkiisuna ahaa sidii la isku weydaarsan lahaa Aqoonta iyo waayo-aragnimada ka dhaxeeya shaqaalaha Hey’addaha qaabilsan Arrimaha Caruurta  iyo Waalidiinta Soomaalida ee ku mashquulsan Bar-baarinta Caruurtaayaa ayaa lagu qabtay Magaalada Amsterdam ee wadanka Netherlands.

Barnaamijkaan ayaa waxaa kasoo qeyb galey Hey’addo caalami oo ka shaqeeya dhinca caruurta, Waalidiin Soomaaliyeed, Hogaamiyeyaal ka tirsan Ururada iyo Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ka dhisan wadanka Netherlands, iyo Marti sharaf kale, waxaana ugu horeyn Barnaamijka ka hadlay Guddoomiyaha Hey’adda SONPPCAN, Avv. Muuse Xersi oo faah-faahin dheer ka bixiyay, dadaalka ay Hey’addooda ugu jiraan sidii Qoysaska Soomaaliyeed iyo Hey’addaha Caalamiga ee qaabilsan Arrimaha Caruurta isaga kaashan lahaayeen dhinaca Bar-baarinta caruurta, maadaama qoysaska Soomaaliyeed ay in badan dhibaatooyin kala kulmaan dhinaca Bar-baarinta Caruurta.

shirka44“Barnaamijkaan waa dadaal loogu talagalay sidii qoysaska Soomaaliyeed ee ku nool wadanka Nederland iyo Hey’addaha isaga kaashan lahaayeen wanaajinta Bar-baarinta caruurta, maadaama caruurta Soomaaliyeed ee yihiin kuwo ku dhex nool 2-dhaqan, Marka ay waalidka iyo Qoyska ku dhex jiraan waxa ay ku nool yihiin dhaqankii Soomaaliya, marka ay waalidka ka dhex-baxaanna waxa ay ku nool yihiin dhaqanka wadankaan aynu ku nool nahay, waana dhibaato inaga heysata dhinaca Bar-baarinta Caruurta” Ayuu yiri Avv. Muuse Xersi oo sheegay in hey’adda SONPPCAN u taagan tahay sidii loogu shaqeyn lahaa wanaajinta korinta Caruurta.

ShamsoGaryaqaanad Shamso Said oo ah Madaxa Barnaamijyada Hey’adda SONPPCAN oo sidoo kale ka hadashay Madasha ayaa iyadu ku dheeraatay Marxalahada kala gedisan ee uu soo maray Barnaamijkaan oo muddo 2-sano ah soo socday, iyadoona sheegtay in xog aruurin la sameeyay lagu ogaaday inay faa’idooyinka ka heleen qoysaska Soomaaliyeed ee iyagu horey ugu qeyb qaatay Barnaamijka Bar-baarin ee Hey’adda SONPPCAN.

“SONPPCAN waxa ay waalidiinta ka caawisaa wanaajinta korinta caruurta, waxa ay ka qeyb qaadataa xalinta dhibaatoyinka la xariira qaadashada caruurta oo ay qoysas fara badan dhibaato ka heystaan, fahan-siinta Maclimiinta dugsiyada waxbarasho qaabka ugu wanaagsan oo ay ula dhaqmi karaan caruurta Soomaaliyeed maadaama ay ku dhex nool yihiin labo dhaqan, iyo sidii waalidiinta ay isku weydaarsan lahaayeen Aqoonta iyo waayo-aragnimada ay ka dhexleen korinta caruurta” Ayey tiri Madaxa Barnaamijyada Hey’adda SONPPCAN Garyaqaanad Shamso Xassan Said.

shirka9Judith van der Ree oo ka tirsan Hey’adda (GGD Central Netherlands) oo ah hey’add qaabilsan dhinaca caafimadka ayaa ka hadashay arrimaha qaxootiga iyo habka ugu muhiimsan  ee ay dhexgeli karaan bulshada.

shirka11 Shukri Sheekh Xasan Said oo ah Madaxda hay’ada Wegwijzer (Tusmo) isla markaana ku taqasustay  korinta dhallaanka yar yar iyo sidda loo maareeyo waqtiga koritaankooda , isla markaana la shaqaysa Hay’ada IFTIN , ayaa soo bandhigtay xoggo ku saabsan arrimahaas. Shugri Sh. Xasan  ayaa dhanka kale muddo kasoo shaqeenayay sidii wacyi-gelin loogu sameen lahaa Qoysaska Soomaaliyeed ee ku dhaqan Xeryaha Qaxootiga Wadanka Netherlands, ayaa halkaasi kusoo bandhigay xog aruurin ay kusoo sameeyeen dhibaatada Qoysaska Soomaaliyeed ka heysta Labada dhaqan oo ay ku dhex nool yihiin.

Shirka_aqoonyahankaWaalidiinta iyo Qoysaska Soomaaliyeed ee Barnaamijka kasoo qeyb galay ayaa halkaasi isku weydaar-saday sida ugu haboon oo ay isaga kaashan lahaayeen Korinta dhinaca Caruurta, Maadaama ay caruurta yihiin kuwo marka ay waalidkood ku dhex jiraan heysta dhaqankii Soomaaliya, marka ay goobaha wax-barashada iyo caruurta kale ee u dhashay wadanka Netherlands ay dhex galaanna heysta dhaqan kale oo ah kii Netherlands, taasi oo ah dhibaatooyinka ugu weyn oo ay qoysaska Soomaaliyeed kala kulmaan dhinaca korinta Caruurta, waxaana su’aalihii iyo Jawaabihii halkaasi ay isku dhaafsanayeen waalidiinta soomaaliyeed kala qeyb qaadanayay xubno ka socday Hey’aado caalami oo dowlada Netherlands u qaabilsan dhinaca Bar-baarinta Caruurta.

shirka29Guddoomiyaha Dallada Midowga Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee wadanka Netherlands ee FSAN, Dr. Cali Cabdi Waare oo ugu danbeyn halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay iskaashi buuxda oo dhex marta Qoysaska Soomaaliyeed iyo Hey’adda Soomaaliyeed ee u dooda xaquuqda Caruurta, isla markaana lasii wado Barnaamijyada nuucaan oo kale ah, kaasi oo uu sheegay in laga heli karo waayo-aragnimo dheeri oo la xariirta korinta caruurta, waxa uuna sheegay in Dallada FSAN ay Qoysaska Soomaaliyeed kala shaqeyn doonto arrimaha la xariira Bar-baarinta Caruurta.

shirka3Ugu danbeyn waxaa Munaasabada Shahaadooyin lagu guddoonsiiyay xubno ka tirsan waalidiintii Barnaamijka kasoo qeyb galay, kuwaasi oo Hey’adda SONPPCAN kala shaqeeyay sidii Barnaamijkaan loo gaarsiin lahaa Qoysaska kale ee iyagu ku nool Magaalooyinka kala gedisan ee wadanka Netherlands.

shirka45shirka43shirka42shirka40shirka39shirka37shirka36shirka34shirka37shirka35shirka33shirka31shirka30shirka29shirka11shirka44

W/D. Salah Hassan Omer [Salah Dheere]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>