Muqdisho(pp) Wakiilka gaarka ah ee xogaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Nichalos Kay ayaa soo dhaweeyay ogolaanshaha ay maanta ka helleen wasiiradda cusub gollaha baarlamaanka.
Kay ayaa boggaadiyay gollaha xukumadda ee Ra’iisulwasaare Cabdiwali Shiikh Axmed,wuxuna sheegay inay sugayso howlo adag oo u baahan adkaysi iyo in si qoto dheer looga baxo,wuxuna sidoo kale masuulkan sheegay inay muhiim tahay wada shaqayn hufan oo dhex marta xukumadda,madaxtooyada iyo xeer dajinta si loo helo shaqo dadku ay ku qancaan.
Arrimaha horyaala wasiiradda cusub ee uu Kay soo hadal qaaday waxaa ka mid ah ammaanka,mamul wanaagsan,sharciga,dib-u-heshiisiin,dhaqaalaha,addeegyadda shacabka iyo tixgalinta dastuurka federaalka ee hadda KMG ah.
Ergayga QM ee Somalia ayaa sheegay inay sii wadi doonan taageerada iyo wada shaqaynta ay la lee yihiin dowladda dhexe ee Somalia,wuxuna rajo wanaagsan ka muujiyay in xukumaddani ay howsha loo igmaday kasii bixi doonto.
Puntlandpost.com
Xafiiska Muqdisho