Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Garowe:Madaxwayne ku xigeenka Puntland oo Garowe lagu soo dhaweeyay(Sawirro&dhagaysi)

$
0
0

Garowe(pp) Wafdi uu hoggaaminayo madaxwayne ku xigeenka Dowladda Puntland Cabdilaahi Xaaji Cumar oo ka qayb galay xafladii caleemo saarka madaxda mamulka Jubba ayaa maantay lagu soo dhaweeyay magalada Garowe.

4

Wafdiga waxaa ka mid ahaa xildhibaano afhayeenka Isimadda,iyo gudoomiyaha Gobalka Mudug Maxmaed Yusuf Jaamac Tigay,waxana garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay wasiirka Amniga,taliyaha ciidanka booliska iyo dadwayne kale oo wasiiro,xildhibaano iyo dad kale iskugu jira.

1

Madaxwayne ku xigeenka dowladda Puntland Eng.Cabdilaahi Camey oo saxaafada garoonka diyaaradaha kula hadlay,ayaa sheegay inay ka qayb galleen xafladii caleemo saarka madaxda mamulka Jubba,ayna soo dhawayn ballaaran kala kulmeen magalada Kismaayo.

11Mahad celin uu Camey u jeediyay mamulka Jubba iyo shacabkiisa,ka sakow waxa uu sheegay inay maalinka barito ah imaan doonaan wafdi ka socda mamulka Jubba oo ka qayb gali doona xaflada caleemo saarka madaxda cusub ee dowladda Puntland.10

Ammaanka magalada Garowe ayaa si wayn loo adkeeyay,waxana saacadaha soo socda soo gaari doono wafuudyo kala duwan oo xaflada caleemo saarka lagu marti qaaday.

3

17 16 15 5 2 13 12 10 9 14 8 7 1

Cali Cabdi Ducaale
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>