Baran(pp) Dhalinyaradda Gobalka Sanaag oo maalinkii shalay iskugu yimi kulan ka dhacay magalada Baran ayaa waxay madaxda cusub ee Puntland ka codsadeen inay dib usoo celiyaan qaar ka mid ah wasiiraddii xukumadii CabdiRaxmaan Farole.
Waxay codsadeen in gollaha wasiiradda cusub lagu soo daro wasiiradda kala ah wasiirka waxbarashada Cabdi Faarax Siciid (Juxa) wasiirka arrimaha gudaha Cabdilaahi Axmed Jaamac(ilka-jiir),waxayna ku tilmeemeen inay yihiin labo masuul oo karti iyo waxqabad muuqda dadka Puntland u muujiyay.
Jabriil Axmed Maxamed oo ka mid ah dhalinyaradii kulankaasi ka qayb galay ayaa sheegay inay aad ugu qanacsan yihiin labadaasi wasiir ayna mudan yihiin in dib loosoo celiyo,wuxuna ka waramay waxyaabaha ay ku taageereen ee ay shacabkooda u qabteen.
Madaxwayne Cabdiwali Maxamed Cali ayuu ugu baaqay inuu tixgaliyo aragtidooda maadama uu horay u sheegay inuu ku shaqayn doono rabitaanka dadka ku nool Puntland.
Dr.Gaas ayaa wali ku mashquulsan soo magacaabista gollaha wasiiradda,waxana la hadal hayaa inta badan wasiiraddii hore inay soo laaban doonaan.
Cali Cabdi Ducaale
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe