Garowe(pp) Sida ay wararku nagu soo gaarayaan wafdi ballaaran uu hoggaaminayo madaxwaynaha mamulka Jubba Axmed Maxmaed Islaan Madoobe ayaa ka qayb galaya xaflada caleemo saarka madaxda cusub ee dowladda Puntland oo dhacaysa maalinta Jimcadda.
Axmed Madoobe iyo xubnaha la socda ayaa magalada Garowe soo gaari doono maalinta barito ah,waxana magalada ka socda qaban qaabo xoogan oo ay wadaan guddiga loo xilsaaray arrimaha soo dhawaynta iyo isku duba ridka xaflada.
Marwo Caasho Geelle Diiriye oo ka mid ah guddiga caleemo saarka madaxda Puntland ayaa sheegay xafladu inay noqon doonto mid si wanaagsan looga soo shaqeeyay,ayna ku wada qanci doonaan dhamaan dadka kasoo qayb gala.
Madaxwaynaha Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa lagu wadaa inuu kulan gaar ah la qaato madaxwayne Axmed Madoobe,ayna ka wada hadlaan arrimo ku aadan dhismaha mamulka iyo sidii looga wada shaqayn lahaa arimaha hormarka.
Wadooyinka muhiimka ah ee magalada Garowe ayaa lagu arkayaa ciidamo kala duwan oo wada baaritaano,waxayna mararka qaarkood amar la’aan ku baarayaan guryaha.
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe