Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Shiikh Maxamuud X.Yuusuf oo Haweenka ugu baaqay inay alle ka cabsadaan(Dhagayso)

$
0
0

Garowe(pp) Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf ayaa ka digay dadka qaar oo ku doodaya inay xaquuq ka maqan tahay,wuxuna sheegay inay muhiim tahay ku dhaqanka shareecadda islaamka.

66Hadalkaan ayuu ka jeediyay salaadii cisho ka dib masaajidka Alhudaa,wuxuna sheegay inay maalmihii ugu danbaysay magalada Garowe kusoo badanayeen haween aan asturan oo aan alle ka cishoonayn,wuxuna ugu baaqay haweenka aan cowradooda qarsan inay alle ka baqaan oo ay maalinta khiyaame xasuustaan.

 
”Ayaa mahankan waanu arkaynaa Dumar badan ayaa inoo yimi oo aqoon inay xijaabtaan gacmahoodii baa qaaban surkoodii baa qaawan,madaxyadoodii baa qaawan,meel kasta bay kaaga soo baxayaan,anigu waxan is iri wax lasoo diyaariyay weeyay wax hal mar soo booday ma ahan,waxaasoo kale waxaa looga hor tagi karaa alle ka cabsi iyo wacyo galin odayaasha iyo dumarka loo jeediyo.

Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf ayaa sheegay haddii sidaan lagu soo socda in lagu baa’bini doono,balse loo baahan yahay in laga hortago.

Tan iyo markii madaxwayne loo doortay Dr.Cabdiwali Maxamed Cali(Gaas) waxaa magalada Garowe kusoo badanayay qurba joog rag iyo dumar iskugu jira,kuwaasoo qaarkood lagu tilmaamay inay yihiin kuwo shareecadda islaamka iyo dhaqanka Soomaalida hareer marsan.

Cali Cabdi Ducaale
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>